HomeWararAmnesty International oo ka hadashay Qaraxyadii Al-Shabaab ka gaysteen Muqdisho

Amnesty International oo ka hadashay Qaraxyadii Al-Shabaab ka gaysteen Muqdisho

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Hay’adda xuquul insaanka ee Amnesty International ayaa si kulul kaga hadashay weeraradii dhawaan AL-Shabaab ay ka fuliyeen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, weeradaasi oo ay ku dhinteen dad ka badan boqol qof, halka dhaawacyo intaas ka bandanna Isbitaallada la dhigay.

“Kooxda hubeysan ee Al-Shabaab waa in ay joojisaa weerarada aan loo meel dayin ee ay ku heyso dadka rayidka ah, sidoo kale mas’uuliyiinta Soomaaliya waa in ay xaqiijiyaan in la ilaaliyo dadka rayidka ah,” ayay tiri hay’adda xuquul insaanka ee Amnesty International,

- Advertisement -

Hadalka Amnisty ayaa imanaya kaddib markii laba baabuur oo ay walxaha ka buuxaan Sabtidii aynu soo dhaafnay lagula beegsaday magaalada Muqdisho, oo ay mas’uuliyadeeda sheegatay Al-Shabaab, laguna dilay dad boqol kor u dhaafaya, sidoo kalana in ka badan 300 oo kale ay ku dhaawacmeen.

“Amnesty International waxay tacsi u direysaa dhammaan dadkii ku waayey eheladooda kadib weerarradii naxdinta lahaa ee Sabtidii. Falalka naxariis darada ah ee al-Shabaab waa dambiyo marka loo eego sharciga caalamiga ah, waxaana aad muhiim u ah in dhammaan kuwa lagu tuhunsan yahay in ay mas’uul ka yihiin dambiyadan ay wajahaan maxkamadeyn caddaalad ah,” ayuu yiri Muleya Mwananyanda, Agaasimaha Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Latest stories