HomeWararQatar iyo Turkiga oo War kasoo saaray Qaraxyadii Is-miidaaminta ahaa ee Muqdisho

Qatar iyo Turkiga oo War kasoo saaray Qaraxyadii Is-miidaaminta ahaa ee Muqdisho

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareysay qaraxyadii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, ee geystay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawaca ah iyo burburka hantiyadeed. War-saxaafadeed kasoo baxay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa lagu sheegay inay ka xun yihiin qaraxyadii lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyagoona […]

- Advertisement -

Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareysay qaraxyadii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, ee geystay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawaca ah iyo burburka hantiyadeed.

War-saxaafadeed kasoo baxay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa lagu sheegay inay ka xun yihiin qaraxyadii lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyagoona tacsi u diray dowladda.

- Advertisement -

Turkiga ayaa tacsi u diray dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qoysaska ay dadka uga dhinteen qaraxyadii Muqdisho, waxaana Alle Caafimaad u weydiiyeen dadka dhaawacmay oo gaaraya ku dhawaad 100 qof.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarradan, Allaha u naxariisto intii ku geeriyootay, waxaan tacsi u direynaa ehelada, qaraabada iyo sidoo kale dowladda aan saaxiibada iyo walaalaha nahay ee Soomaaliya, inta dhaawacantayna waxaana u rajeyneynaa caafimaad degdeg ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Turkiga.

Sidoo kale qaraxyadii dhacay ayaa waxaa cambaareysay dowladda Qatar, iyagoona sheegay inay ka xun yihiin qaraxyadii lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku taalla Isgoyska Soobe.

- Advertisement -

100 qof ayaa ku dhimatay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho, halka 300 ruux kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhintay ku jiray Saraakiil Ciidan, Wariye Maxamed Ciise Koonaa iyo dad kale oo farabadan, Al-shabaabna ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxyadii dhacay.

Latest stories