HomeWararQatar iyo Turkiga oo War kasoo saaray Qaraxyadii Is-miidaaminta ahaa ee Muqdisho

Qatar iyo Turkiga oo War kasoo saaray Qaraxyadii Is-miidaaminta ahaa ee Muqdisho

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareysay qaraxyadii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, ee geystay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawaca ah iyo burburka hantiyadeed. War-saxaafadeed kasoo baxay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa lagu sheegay inay ka xun yihiin qaraxyadii lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyagoona […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareysay qaraxyadii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, ee geystay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawaca ah iyo burburka hantiyadeed.

War-saxaafadeed kasoo baxay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa lagu sheegay inay ka xun yihiin qaraxyadii lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyagoona tacsi u diray dowladda.

- Advertisement -

Turkiga ayaa tacsi u diray dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qoysaska ay dadka uga dhinteen qaraxyadii Muqdisho, waxaana Alle Caafimaad u weydiiyeen dadka dhaawacmay oo gaaraya ku dhawaad 100 qof.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarradan, Allaha u naxariisto intii ku geeriyootay, waxaan tacsi u direynaa ehelada, qaraabada iyo sidoo kale dowladda aan saaxiibada iyo walaalaha nahay ee Soomaaliya, inta dhaawacantayna waxaana u rajeyneynaa caafimaad degdeg ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Turkiga.

Sidoo kale qaraxyadii dhacay ayaa waxaa cambaareysay dowladda Qatar, iyagoona sheegay inay ka xun yihiin qaraxyadii lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku taalla Isgoyska Soobe.

- Advertisement -

100 qof ayaa ku dhimatay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho, halka 300 ruux kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhintay ku jiray Saraakiil Ciidan, Wariye Maxamed Ciise Koonaa iyo dad kale oo farabadan, Al-shabaabna ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxyadii dhacay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts