HomeWararDFS oo war kasoo saartay Howlgallada ka dhanka ah AL-Shabaab ee 48-dii...

DFS oo war kasoo saartay Howlgallada ka dhanka ah AL-Shabaab ee 48-dii saac ee la soo dhaafay

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 48-dii saac ee la soo dhaafay ay Hawlgallo guulaystay, oo ay iska kaashadeen Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibadooda caalmiga ah ee taageera  ay ku dileen xubno ka tirsan  Alshabaab, waxaana sidoo kale intaa ay ku dartay dowladda Sooomaaliya in ay burburisay Gaadiid u siday saanad ciidan iyo walxaha qarxa. Hawlgalladaan waxa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 48-dii saac ee la soo dhaafay ay Hawlgallo guulaystay, oo ay iska kaashadeen Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibadooda caalmiga ah ee taageera  ay ku dileen xubno ka tirsan  Alshabaab, waxaana sidoo kale intaa ay ku dartay dowladda Sooomaaliya in ay burburisay Gaadiid u siday saanad ciidan iyo walxaha qarxa.

Hawlgalladaan waxa ay dhaceen deegaanka Masaajid Cali-guduud iyo Bur-colow oo sidoo kale loo yaqaano Doolile oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

- Advertisement -

Hawlgalka Koowaad waxaa la fuliyay Sabti 22-kii October waxaa lagu beegsaday garaash iyo guri ay ku shirayeen xubno sar-sare iyo dagaalamaayal ka tirsan Al-Shabaab. Waxaana y sheegtay dowladda Soomaaliya in  lagu dilay 21 ka tirsan AL-Shabaab, ooargagixisada ka tirsan oo uu ku jiro xubin ay magaciisa ku sheegeen Cabdullaahi Cali Caraale.

Hawlgalka labaad waxaa uu dhacay 23 bisha oo shalay ahayd 3:30pm galabnimo waxaana laga fuliyay nawaaxiga magaalada Masaajid Cali-Gaduudd goob bartimaameed gaar ah u ahayd Hay’adda NISA waxaana lagu dilay 11 ka tirsan AL-Shaab waa sida ay hadalka u dhigtay Dowladda Soomaaliya.

Hawlgalka seddexaad ugana xoogganaa wuxuu dhacay xalay 9:40pm,   10:25pm,   10:43pm, 12:00am saq-dhexe,  waxaana uu ka dhacay deegaanka Bur-coloow  dadka qaarna u yaqaanaan Doolile oo Maasjidka Cali-guduud u jira 10km dhanka galbeed halkaas  oo farriisan weyn u ahayd AL-Shabaab, waxaa goobta weerarka ku sugnaa kooxda jabhada oo uu hogaminayay Masuul ka tirsan AL-Shabaab oo magaciisa ay dowladdu ku sheegtay  Muscab Cabdulle Saneey.

- Advertisement -

Dowladdu waxaa ay intaa ku dartay in Weerarada xalay dhacay, midka Koowaad lagu beegsaday gaari weyn oo nuuciisu yahay Biijii oo ay u saarneed rasaas iyo saanad ciidan.

Weerarka labaad ee isla xalay daqiiqado ka dib dhacay waxaa lagu beegsaday gaari kale oo Biijii ah oo saarnaayeen walxa qarxaha oo aad u xoogganaa, waxaana qaraxiisa laga maqlay deegaano fog fog, isaga  oo saameeyay in ka ka badan 1km dhul gaaraya.

Weerarka afaraad waxaa lagu beegsaday dagaalamayaalka tisran ka tirsan AL-Shaab,oo ay dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay firxad ahaayeen waa sida ay hadalkau dhigtaye, waxaana weerarkaasi uu ka dhacay Bur-coloow.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA KASOO BAXAY DOWLADDA

 

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts