HomeWararSoomaaliya oo Shir Caalami ah oo looga hadlayey saameynta masiibooyinka kaga qayb...

Soomaaliya oo Shir Caalami ah oo looga hadlayey saameynta masiibooyinka kaga qayb gashay Geneva

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qayb-galay shir caalami ah oo looga hadlayey saameynta masiibooyinka caalamiga ah ee is huwan, badqab la’anta cuntada iyo Isbeddelka Cimilada ay ku leeyihiin qaxootiga iyo barakaca bulshooyinka. Shirka oo ka dhacay Magaalada Genève ee dalka Switzerland ayaa waxaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qayb-galay shir caalami ah oo looga hadlayey saameynta masiibooyinka caalamiga ah ee is huwan, badqab la’anta cuntada iyo Isbeddelka Cimilada ay ku leeyihiin qaxootiga iyo barakaca bulshooyinka.

Shirka oo ka dhacay Magaalada Genève ee dalka Switzerland ayaa waxaa hadallo ka jeediyey Ergeyga gaarka ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha, Komishiinka Midowga Yurub u qaabilsan gargaarka bani’aadannimada iyo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Masar iyo Portugal.

- Advertisement -

Sidoo kale waxaa madasha khudbado ka jeediyay, madaxda hay’adaha Beeraha Adduunka FOA, madaxa hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Qaramadaha Midoobay WHO iyo madaxa hay’adda Socdaalka Adduunka IOM oo shirka martigelisay.

Ergeyga ayaa diiradda saaray saamaynta ay Isbeddelka Cimilada ku yeelatay Soomaaliya, taasoo sababtay abaaro iyo fatahaado joogta ah, isagoo dalbaday in dawladaha wasaqda Isbeddelka Cimilada sababta hawada ku sii daaya ay magdhow iyo maalgelin siiyaan dalalka ay saamaynta ugu badan ku dhacdo oo ay Soomaaliya ka mid tahay, si loo yareeyo khasaaraha iyo dhaawaca ka dhasha Isbeddelka Cimilada.

Ergayga ayaa dalbaday in si kor loogu qaado wax-soo-saarka beeraha ay tahay in Soomaaliya laga caawiyo tiknoolajiyadda casriga ah ee beeraha, kaabayaasha dhaqaalaha, tamar ka dhalinta dabaysha, horumarinta wax soo saarka xoolaha, dhirta, kaluumaysiga iyo beeraha. Ergayga wuxuu kaloo sheegay in Soomaaliya aysan kaalmo oo keli ah u baahnayn ee ay u baahan tahay caddaalad ay sameeyaan kuwa sababa Isbeddelka Cimilada.

- Advertisement -

“Wadamada ay isbedelka cimiladu saameeyeen uma baahna gargaar kaliya, ee waxa ay u baahan yihiin in ay caddaalad helaan, taasoo lagu kabayo dhaawaca ay cimilladu sababto, si loola noolaado Cimilada is baddeleysa, loo yareeyo dhibkeeda, loona xoojiyo adkaysiga bulshooyinka”, ayuu yiri Ergeyga.

Ergeyga ayaa wali ku guda jira socdaal u jeedkiisu yahay u qareemidda Gurmadka Abaaraha, sidii uu indhaca caalamka iyo deeq-bixiyayaashana ugu soo jeedin lahaa baaxadda abaarta ka jirta dalka iyo in saameynta Isbadelka Cilimida ee dadkeennu la dhibaatoonayan ay sabab u yihiin waddama hawada wasaqeeya magdhowna looga baahan yahay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts