HomeWararJubbaland oo shaacisay khasaaro badan oo ka dhashay weerarkii Al-shabaab ee Kismaayo

Jubbaland oo shaacisay khasaaro badan oo ka dhashay weerarkii Al-shabaab ee Kismaayo

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Ciidanka ammaanka Maamulka Jubbaland ayaa Caawa soo afjaray weerar ku bilowday qarax Is-miidaamin ah oo duhurnimadii Maanta Al-shabaab ku qaaday Hotelka Tawakal ee ku yaalla magaalada Kismaayo. Howlgalka soo afjarida weerarkii Kismaayo oo qaatay saacado dhowr ah ayaa ugu dambeyn lasoo gaba-gabeeyay, sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha Jubbaland  Yuusuf Xuseen Cismaan […]

- Advertisement -

Ciidanka ammaanka Maamulka Jubbaland ayaa Caawa soo afjaray weerar ku bilowday qarax Is-miidaamin ah oo duhurnimadii Maanta Al-shabaab ku qaaday Hotelka Tawakal ee ku yaalla magaalada Kismaayo.

Howlgalka soo afjarida weerarkii Kismaayo oo qaatay saacado dhowr ah ayaa ugu dambeyn lasoo gaba-gabeeyay, sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha Jubbaland  Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal).

- Advertisement -

Wasiir Yuusuf Dhuumaal oo shir jaraa’id qabtay ayaa waxaa uu sheegay in afar ruux oo mid yahay kan is-qarxiyey ay weeraka ku qaaday hotelka Tawakal, ayna dileen saddex rag ah oo gudaha u galay hotelka, kuwaasi oo dagaal la galay Ciidanka Jubbaland.

Khasaaro isgu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka, waxaana Wasiirka amniga uu xaqiijiyey inay dhinteen ugu yaraan 9 qof, halka 47 qof kalena ay dhaawacmeen, la geeyay Isbitaalada magaalada oo lagu dabiibayo.

Sidoo kale Wasiir Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa tilmaamay in Ciidanka amniga ay gudaha hotelka kasoo badbaadiyeen inta badan dadkii ku sugnaa, isla markaana dadka waxyeelada gaartay ay ku jiraan Arday Iskuulo ka yimid oo goobta marayey.

- Advertisement -

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkii Maanta ku bilowday qaraxa is-miidaaminta ahaa ee lagu qaaday hotelka Tawakal oo ku yaalla magaaalda Kismaayo, waxaana qaraxa kadib gudaha hotelka galay saddex ruux, kuwaasi oo la dilay.

Latest stories