HomeWararJubbaland oo shaacisay khasaaro badan oo ka dhashay weerarkii Al-shabaab ee Kismaayo

Jubbaland oo shaacisay khasaaro badan oo ka dhashay weerarkii Al-shabaab ee Kismaayo

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Ciidanka ammaanka Maamulka Jubbaland ayaa Caawa soo afjaray weerar ku bilowday qarax Is-miidaamin ah oo duhurnimadii Maanta Al-shabaab ku qaaday Hotelka Tawakal ee ku yaalla magaalada Kismaayo. Howlgalka soo afjarida weerarkii Kismaayo oo qaatay saacado dhowr ah ayaa ugu dambeyn lasoo gaba-gabeeyay, sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha Jubbaland  Yuusuf Xuseen Cismaan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidanka ammaanka Maamulka Jubbaland ayaa Caawa soo afjaray weerar ku bilowday qarax Is-miidaamin ah oo duhurnimadii Maanta Al-shabaab ku qaaday Hotelka Tawakal ee ku yaalla magaalada Kismaayo.

Howlgalka soo afjarida weerarkii Kismaayo oo qaatay saacado dhowr ah ayaa ugu dambeyn lasoo gaba-gabeeyay, sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha Jubbaland  Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal).

- Advertisement -

Wasiir Yuusuf Dhuumaal oo shir jaraa’id qabtay ayaa waxaa uu sheegay in afar ruux oo mid yahay kan is-qarxiyey ay weeraka ku qaaday hotelka Tawakal, ayna dileen saddex rag ah oo gudaha u galay hotelka, kuwaasi oo dagaal la galay Ciidanka Jubbaland.

Khasaaro isgu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka, waxaana Wasiirka amniga uu xaqiijiyey inay dhinteen ugu yaraan 9 qof, halka 47 qof kalena ay dhaawacmeen, la geeyay Isbitaalada magaalada oo lagu dabiibayo.

Sidoo kale Wasiir Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa tilmaamay in Ciidanka amniga ay gudaha hotelka kasoo badbaadiyeen inta badan dadkii ku sugnaa, isla markaana dadka waxyeelada gaartay ay ku jiraan Arday Iskuulo ka yimid oo goobta marayey.

- Advertisement -

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkii Maanta ku bilowday qaraxa is-miidaaminta ahaa ee lagu qaaday hotelka Tawakal oo ku yaalla magaaalda Kismaayo, waxaana qaraxa kadib gudaha hotelka galay saddex ruux, kuwaasi oo la dilay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts