HomeWararMadaxweyne Axmed Madoobe oo War kasoo saaray Weerarkii Maanta ka dhacay Kismaayo

Madaxweyne Axmed Madoobe oo War kasoo saaray Weerarkii Maanta ka dhacay Kismaayo

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa cambareeyay weerarkii Al-shabaab ku qaaday hotelka Tawakal ee magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, kaas oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah dhaliyey. War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe  ayaa tacsi loogu diray dadkii ku dhintay weerarka oo gaarayay 9 ruux, halka kuwa dhaawacmay uu Madaxweynaha […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa cambareeyay weerarkii Al-shabaab ku qaaday hotelka Tawakal ee magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, kaas oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah dhaliyey.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe  ayaa tacsi loogu diray dadkii ku dhintay weerarka oo gaarayay 9 ruux, halka kuwa dhaawacmay uu Madaxweynaha u rajeeyay Caafimaad.

- Advertisement -

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa boggaadiyey dhammaan Ciidamada kala duwan ee Jubbbaland ee mudada koobaan kusoo afjaray weerarkii Al-shabaab ku qaaday hotelka Tawalka oo saacado ay ka dhex-dagaalamayeen rag hubeysan oo galay.

Madaxweynaha ayaa dadka dhintay Alle uga baryay inuu janadii fardowso ka waraabiyo, si gaar ahna tacsi ugu diray Ciidamadii ilaa daqiiqadahii u danbeeyay ka shaqeynayey sidii ay usoo badbaadin lahayeen dadka shacabka ahaa ee ku xayirnaa dhismaha.

“Waxaan ugu baaqaya dhammaan dadka Soomaaliyeed inay u duceeyaan shuhadada aan maanta ku waynay weerarka hotel Tawakal ayna u diyaar garoobaan sidii AS looga saari lahaa dalka” ayuu yiri MW Axmed Madoobe oo ka hadlaayay qaraxii Kismaayo oo mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab..

Latest stories