HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa khasaaraha ka dhashay weerarka ka socda Kismaayo

Faah faahin kasoo baxeysa khasaaraha ka dhashay weerarka ka socda Kismaayo

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Faah faahino ayaa laga helayaa weerar ku bilowday qarax Is-miidaamin ah oo xubno ka tirsan Al-shabaab ay Maanta ku qaadeen Hotelka Tawakal eek u yaalla magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ahna caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland. Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray Hotelka […]

- Advertisement -

Faah faahino ayaa laga helayaa weerar ku bilowday qarax Is-miidaamin ah oo xubno ka tirsan Al-shabaab ay Maanta ku qaadeen Hotelka Tawakal eek u yaalla magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ahna caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland.

Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray Hotelka Tawakal, waxaana qaraxa kadib xigay dabley hubeysan oo gudaha u galay hotelka, kuwaasi oo weli dhex-dagaalamaya  hotelka Tawakal.

- Advertisement -

Ciidanka ammaanka Maamulka Jubbaland ayaa durbadii goobta tagay, isla markaana haatan la dagaalamaya ragga hubeysan ee ka tirsan Al-shabaab, ee weeraray hotelka, rasaas xooggan ayaa inta badan xaafadaha magaalada Kismaayo laga maqlayaa.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa, inta la xaqiijiyey laba qof ayaa ku dhintay qaraxaas Is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Kismaayo, halka 8 qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la geeyay Isbitaalada magaalada.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowlad Goboleedka Jubbaland oo ku aadan qaraxa.

Latest stories