HomeWararFaah faahin: Diyaaraddo Duqeyn ka geystay deegaanka Masaajid Cali Guduud

Faah faahin: Diyaaraddo Duqeyn ka geystay deegaanka Masaajid Cali Guduud

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan deegaanka masaajid Cali Guduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saqdii dhexe ee xalay diyaaradaha aan duuliyaha laheyd ee Mareykanka ay deegaankaas ka gesyteen duqeymo. Dad ku sugan meel ku dhow degaanka masaajid Cali Guduud ayaa waxaa ay ku warrameen in diyaaraddo joog hoose ku socday […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan deegaanka masaajid Cali Guduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saqdii dhexe ee xalay diyaaradaha aan duuliyaha laheyd ee Mareykanka ay deegaankaas ka gesyteen duqeymo.

Dad ku sugan meel ku dhow degaanka masaajid Cali Guduud ayaa waxaa ay ku warrameen in diyaaraddo joog hoose ku socday ay duqeymo ka geysteen deegaanka oo ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha Al-shabaab oo saldhig ku leh.

- Advertisement -

Jugta Gantaalo dhacaayey ayaa xalay laga maqlayey degaanka Cali Guduud oo shalay ay ka dhaceen dagaalo xooggan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, Ciidanka deegaanka ee macwiisleyda oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay duqeynta dhacday, sidoo  kale Ciidanka dowladda Federaalka ayaa ku sugan bannaanka masaajid Cali Guduud, iyagoona dib uga soo baxay deegaanka oo gelinkii dambe ee shalay mar u dhawaadeen Ciidamada.

Khasaaro badan ayaa lasoo weriyey inuu ka dhashay dagaaladii shalay dhacay, in kastoo aan rasmi ah loo xaqiijin inta uu la egyahay khasaaraha jira, Ciidanka dowladda oo ay hoggaaminayaan Saraakiil Ciidan iyo Xildhibaano ayaa jooga banaanka deegaanka.

- Advertisement -

Wararkii ugu danbeeyay ee haatan laga helayo deegaano hoostega degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya inay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo wadaan Ciidamo halkaas ku sugan, ayna ku doonayaan inay kula wareegaan deegaanka masaajid Cali Guduud oo saldhig weyn ay ku leeyihiin dagaalamayaasha Al-shabaab…

Latest stories