HomeWararGuddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Jawaari oo ka Warbixiyey xaaladiisa Caafimaad

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Jawaari oo ka Warbixiyey xaaladiisa Caafimaad

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Isbitaal ku yaalla magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ku booqday Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Prof. Jawaari ayaa Sheekh Shariif uga warbixiyey xaaladdiisa Caafimaad ee lagula tacaalay dalk Turkiga, wuxuuna sheegay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka in xaaladdiisa ay […]

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Isbitaal ku yaalla magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ku booqday Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Prof. Jawaari ayaa Sheekh Shariif uga warbixiyey xaaladdiisa Caafimaad ee lagula tacaalay dalk Turkiga, wuxuuna sheegay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka in xaaladdiisa ay tahay mid aad u wanaagsan oo kasoo hagaageysa sidii hore.

- Advertisement -

Maxamed Sheekh Cismaan ayaa ayaa xusay in lagu sameeyay baaritaano kala duwan oo Caafimaad, isla markaana jawaabaha soo baxay lagu wargeliyay in xaaladdiisa ay tahay mid wanaagsan oo usan jirin wax xanuun ah oo haaya.

Sidoo kale Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa tilmaamay in si gaar ah looga baaray Kilyihiisa, isagoona Carabka ku dhuftay in loo sheegay inay u fiican yihiin, lana hubiyey.

Sheekh Shariif Sh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa Caafimaad u rajeeyay Prof. Maxamed Sheekh Cismaan “Waxaan kala sheekeystay xaaladdiisa caafimaad, wuuna fiicnaa waxaan u rajaynayaa Guddoomiyaha in Ilaahay caafimaadka u siyaadiyo”.

Latest stories