HomeWararMadaxa hay’adda Qaxootiga adduunka oo yimid Muqdisho, lana kulmaya Madaxda DFS

Madaxa hay’adda Qaxootiga adduunka oo yimid Muqdisho, lana kulmaya Madaxda DFS

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta garoonka Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho kusoo dhoweeyey madaxa hey’adda qaxootiga adduunka(UNHCR) Filippo Grandi. Filippo Grandi inta uu joogo Soomaaliy, ayaa waxaa lagu wadaa inuu kulamo kala duwan la yeesho madaxda dowladda federaalka ah sida Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iIsul Wasaare Xamze […]

- Advertisement -

Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta garoonka Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho kusoo dhoweeyey madaxa hey’adda qaxootiga adduunka(UNHCR) Filippo Grandi.

Filippo Grandi inta uu joogo Soomaaliy, ayaa waxaa lagu wadaa inuu kulamo kala duwan la yeesho madaxda dowladda federaalka ah sida Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iIsul Wasaare Xamze Barre, Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macallim Fiqi iyo hey’adaha kale ee daneeya arrimaha qaxootiga iyo barakacaasha.

- Advertisement -

Dowladda Soomaaliya ayaa waddo qorsheyaal lagu hormarinayo arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha iyada oo ballanqaadday meelmarinta sharciyo waxtar leh sida ansixinta  xeerka qaxootiga December 31, 2022 iyo xeerka barakacayaasha Soomaaliya December 2023, qorshe howleedka lagu soo afjarayo dowlad la’aanta ee heshiiska dowlad la’aanta ee 1954 iyo 1961 ilaa December 31, 2023, hirgellinta qorshaha qaran ee xalka waara ee 2020-2024 iyo la xoojiyo dadaaladda nabadda, xasillinta iyo dib u heshiisiinta.

Socodka madaxa UNHCR Grandi ee Soomaaliya ayaa imaanaya todobaad kadib markii isaga iyo wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayey ku kulmeen Switzerland, iyaga oo isla meeldhigay arrimo badan oo ku saabsan arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha.

Latest stories