HomeWararSawirro: Al-shabaab oo Qarax ku burburiyey qeyb kamid ah Buundada Buulo-burte

Sawirro: Al-shabaab oo Qarax ku burburiyey qeyb kamid ah Buundada Buulo-burte

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Qarax Is-miidaamin ah ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan, gaar ahaan Buundada magaalada, waxaana qaraxa uu ahaa mid loo adeegsaday gaari nooca Soomaalida u taqaan Hoomeyda oo qaraxyo laga soo buuxiyey. Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa uu qeyb kamid ah burburay Buunada magaalada Buulo-burte, isla markaana waxaa qaraxa ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Qarax Is-miidaamin ah ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan, gaar ahaan Buundada magaalada, waxaana qaraxa uu ahaa mid loo adeegsaday gaari nooca Soomaalida u taqaan Hoomeyda oo qaraxyo laga soo buuxiyey.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa uu qeyb kamid ah burburay Buunada magaalada Buulo-burte, isla markaana waxaa qaraxa ka dhashay khasaaro kala duwan, inkastoo aan rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha inta uu la egyahay.

- Advertisement -

Sawirrada laga soo qaaday goobta qaraxa ayaa muujinaya burburka uu geysta qaraxa, Buulo-burte ayaa waxaa ku sugan Wasiiro, XIldhibaano iyo mas’uuliyiin kala duwan, kuwaasi magaalada u tegay dardra-gelinta howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha ammaanka degmada iyo Maamulka Hirshabeelle oo ay uga hadlayaan qaraxaas dhacay, goobta qaraxa ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo aaga xiray.

Buundada degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan ayaa muhiim u aheyd wadada isku xirta Gobolada dhexe illaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, Al-shabaab ayaana sheegatay mas’uuliyada qaraxaas dhacay magaalada.

- Advertisement -

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts