HomeWararSawirro: Al-shabaab oo Qarax ku burburiyey qeyb kamid ah Buundada Buulo-burte

Sawirro: Al-shabaab oo Qarax ku burburiyey qeyb kamid ah Buundada Buulo-burte

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Qarax Is-miidaamin ah ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan, gaar ahaan Buundada magaalada, waxaana qaraxa uu ahaa mid loo adeegsaday gaari nooca Soomaalida u taqaan Hoomeyda oo qaraxyo laga soo buuxiyey. Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa uu qeyb kamid ah burburay Buunada magaalada Buulo-burte, isla markaana waxaa qaraxa ka […]

- Advertisement -

Qarax Is-miidaamin ah ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan, gaar ahaan Buundada magaalada, waxaana qaraxa uu ahaa mid loo adeegsaday gaari nooca Soomaalida u taqaan Hoomeyda oo qaraxyo laga soo buuxiyey.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa uu qeyb kamid ah burburay Buunada magaalada Buulo-burte, isla markaana waxaa qaraxa ka dhashay khasaaro kala duwan, inkastoo aan rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha inta uu la egyahay.

- Advertisement -

Sawirrada laga soo qaaday goobta qaraxa ayaa muujinaya burburka uu geysta qaraxa, Buulo-burte ayaa waxaa ku sugan Wasiiro, XIldhibaano iyo mas’uuliyiin kala duwan, kuwaasi magaalada u tegay dardra-gelinta howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha ammaanka degmada iyo Maamulka Hirshabeelle oo ay uga hadlayaan qaraxaas dhacay, goobta qaraxa ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo aaga xiray.

Buundada degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan ayaa muhiim u aheyd wadada isku xirta Gobolada dhexe illaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, Al-shabaab ayaana sheegatay mas’uuliyada qaraxaas dhacay magaalada.

- Advertisement -

Latest stories