HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiiro cusub

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiiro cusub

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Koonfur Afrika Mninwa Johannes iyo Bangaaladesh Tareque Muhammad. Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Koonfur Afrika Mninwa Johannes oo Madaxweynaha soo gaarsiiyay salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa dalkaas Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in uu dadaal muuqda gelin doono xoojinta […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Koonfur Afrika Mninwa Johannes iyo Bangaaladesh Tareque Muhammad.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Koonfur Afrika Mninwa Johannes oo Madaxweynaha soo gaarsiiyay salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa dalkaas Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in uu dadaal muuqda gelin doono xoojinta xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta wanaagsan.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjire Mninwa ayaa ka wada hadlay xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, gaar ahaan kor u qaadidda iskaashiga dhaqaalaha iyo amniga, iyadoo Madaxweynuhu uu xusay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ballaaran ee ku dhaqan dalkaas iyo waxtarka ay u leeyahay kobaca dhaqaalaha labada dal.

Dhankiisa, Danjiraha Cusub ee Jamhuuriyadda Shacbiga ah ee Bangaaladesh Tareque Muhammad oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Dalkiisa Mohammad Abdul Hamid ayaa tilmaamay mudnaanta dalkiisu uu siinayo xiriirka ay la wadaagaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Danjiraha Cusub ee Banaaladesh Tareque Muhammad ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay Soomaaliya in ay heshiis la ahaato dunida, lana yeelato iskaashi miradhal ah oo ku dhisan horumar iyo wax wada-qabsi.

- Advertisement -

 

Latest stories