HomeWararXoghayaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka oo Maanta xilka la wareegay

Xoghayaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka oo Maanta xilka la wareegay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Munaasabad kooban oo uu xilka kula wareegayay xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa lagu qabtay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa. Munaasabada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Habdhowraha Golaha Shacabka iyo ku-xigeennadiisa, la-taliyaha arrimaha Amniga iyo Siyaasada ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya. Xoghayihii hore ee Golaha Shacabka Mudane […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Munaasabad kooban oo uu xilka kula wareegayay xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa lagu qabtay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Munaasabada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Habdhowraha Golaha Shacabka iyo ku-xigeennadiisa, la-taliyaha arrimaha Amniga iyo Siyaasada ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

- Advertisement -

Xoghayihii hore ee Golaha Shacabka Mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux, ayaa dhammaan feylasha ay ku keydsanyihiin Xogta Golaha Shacabka iyo dhamaan howlaha Xafiiska, ayaa ku wareejiyay Xoghayaha cusub ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Jaabiri, isagoona sheegay in uu ku faraxsanyahay islamarkaana uu ku kalsoonyahay aqoonta iyo kartida Shaqsiga xafiiska kala wareegay, waxaana uu  kula dardaarmay in uu dardargeliyo Shaqada in uu shaqada meesha ka sii amba-qaado.

Xoghayaha cusub ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri, ayaa uga mahadceliyay Xoghayihii hore ee Golaha Shacabka ee Mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux shaqadii wanaagsaneyd ee uu ka soo qabtay mudadii uu Xafiiska joogay, isagoo balanqaaday in uu halkeeda kasii wadi doono.

Habdhawraha Golaha Shacabka Xil. Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux, oo gaba gabada munaasabada soo xiray  ayaa sheegay in Xoghayihii hore ee Golaha Shacabka ku amaanay howlkarnimadiisii iyo shaqadii wanaagsaneyd ee uu Goluhu kasoo qabtay, waxaana uu kula dardaarmay Xoghayaha cusub ee maanta xilka la wareegay in uu shaqadiisa noqato mid ay ku dheehan tahay daacadnimo iyo howlkarnimo

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts