HomeWararMW Xasan Sheekh oo kala diray Golaha adeegga Garsoorka iyo Guddiga La-dagaallanka...

MW Xasan Sheekh oo kala diray Golaha adeegga Garsoorka iyo Guddiga La-dagaallanka Musuqa

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala diray Golaha adeegga Garsoorka iyo Guddiga Madaxa-Bannaan ee la dagaallanka Musuqmaasuqa, kadib wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in la baabi’iyey dhammaan wixii go’aanno ahaa ee ay gaareen muddadii la howlgeliyey Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka iyo Guddiga Madaxa-Bannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa. Sidoo […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala diray Golaha adeegga Garsoorka iyo Guddiga Madaxa-Bannaan ee la dagaallanka Musuqmaasuqa, kadib wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in la baabi’iyey dhammaan wixii go’aanno ahaa ee ay gaareen muddadii la howlgeliyey Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka iyo Guddiga Madaxa-Bannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa.

- Advertisement -

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray Xukuumadda Federaalka inay soo dhisaan labadan guddi si waafaqsan qodobbada 71-aad, 109A iyo 112-aad ee Dastuurka Kumeel-Gaarka ah iyo qodobka 7-aad ee sharciga dhisidda labada Guddi.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  markuu arkay Qoraalka Sumadiisu tahay XG/504/B-12/021 ee ka soo baxay Aqalka Sare laguna sheegay in Xubnaha Golaha Adeega Garsoorka iyo Xubnaha Guddiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa aan hawlgelintooda loo marin hannaan Dastuurka iyo xeerarka waafaqsan, ayaa Xeer Madaxweyne ku baabi’iyey Xeerarka Madaxweyne ee kala ah  Lr 357 iyo Lr 358 si loo toosiyo hannaanka dhissidda Golaha adeegga Garsoorka iyo Guddiga Madaxa-Bannaan ee la dagaallanka Musuqmaasuqa.

- Advertisement -

Madaxweynaha oo ka duulaya ahmiyadda ay labadan guddi u leeyihiin dowlad nimada Soomaaliyeed iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in dhismahooda  loo maro nidaam waafaqsan Dastuurka iyo Xeerarka dalka ayaa Xukuumadda faray in ay u soo dhisaan labadan guddi si waafaqsan qodobbada 71-aad, 109A iyo 112-aad ee Dastuurka Kumeel-Gaarka ah iyo qodobka 7-aad ee sharciga dhisidda Golaha Adeegga Garsoorka iyo magaacaabista Guddiga Madaxa-Bannaan ee La dagaallanka Musuqmaasuqa.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in la baabi’iyey dhammaan wixii go’aanno ahaa ee ay gaareen muddadii la howlgeliyey Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka iyo Guddiga Madaxa-Bannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa.

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay, Oktoobar 09, 2022, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee dowladda.

Latest stories