HomeWararAl-shabaab oo saaka weerar ku bilowday Qaraxyo ku qaaday deegaanka Basra

Al-shabaab oo saaka weerar ku bilowday Qaraxyo ku qaaday deegaanka Basra

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wararka aan ka heleyno deegaanka Basra ee duleedka degmada Balcad ee Gobolka Sahbeellaha Dhexe ayaa sheegaya in weerar ku bilowday qaraxyo ay saaka Al-shabaab ku qaaday degaankaas oo dhawaan ay la wareegeen Ciidanka Booliska Haramcad. Weerarka qaraxyada kadib ayaa waxaa dhacay dagaal xooggan oo weli socda, kaasi oo u dhexeeya Ciidanka Booliska dowladda ee Haramcad […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno deegaanka Basra ee duleedka degmada Balcad ee Gobolka Sahbeellaha Dhexe ayaa sheegaya in weerar ku bilowday qaraxyo ay saaka Al-shabaab ku qaaday degaankaas oo dhawaan ay la wareegeen Ciidanka Booliska Haramcad.

Weerarka qaraxyada kadib ayaa waxaa dhacay dagaal xooggan oo weli socda, kaasi oo u dhexeeya Ciidanka Booliska dowladda ee Haramcad iyo Ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka, isla markaana waxaa la isku adeegsanayaan hubka culus.

- Advertisement -

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka oo dhinacyada kala gaaray, waxaana la sheegayaa in dadka waxyeelada soo gaartay uu ku jiro Taliyaha Nabadsugida degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir Xasan Fanax iyo Askar kale.

Saraakiisha dowladda Federaalka ayaan weli ka hadlin weerarka ku bilowday qaraxyada ee saaka Al-shabaab ku qaaday deegaanka Basra ee aaga degmada Balcad, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen Ciidanka Booliska Haramcad iyo kuwa Nabadsugida.

Jimcihii lasoo dhaafay ayey aheyd markii qarax ka dhacay degaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay Taliyihii Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Aadan Qaroole. Ciidanka dowladda ayaa dhowr jeer sheegay inay la wareegeen deegaankaas.

Latest stories