HomeWararMaxkamadda Ciidamada oo saaka dil toogasho ah ku fulisay Askari dilay Taliyihiisa

Maxkamadda Ciidamada oo saaka dil toogasho ah ku fulisay Askari dilay Taliyihiisa

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka oo jimco ah xukun dil toogasho ah ku fulisay Xidigle Cabdinaasir Daa’uud Sheekh Xasan oo si bareer ah u dilay Taliyihii Ururka 59-aad ee Gaadiidka xooga dalka Dhame Cabdi Maxamed Axmed Hurdaaye. Cabdinaasir Daa’uud ayaa lagu toogtay fagaaraha Iskuul buluusiya, waxaana goobjoog ahaa goobta ay ka […]

- Advertisement -

Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka oo jimco ah xukun dil toogasho ah ku fulisay Xidigle Cabdinaasir Daa’uud Sheekh Xasan oo si bareer ah u dilay Taliyihii Ururka 59-aad ee Gaadiidka xooga dalka Dhame Cabdi Maxamed Axmed Hurdaaye.

Cabdinaasir Daa’uud ayaa lagu toogtay fagaaraha Iskuul buluusiya, waxaana goobjoog ahaa goobta ay ka dhaceysay toogashada xubno ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Saraakiil kamid ah Ciidanka Xoogga.

- Advertisement -

Maxkamadda Ciidamada ayaa maalmo kahor xukun dil toogasho ah ku riday Cabdinaasir Daa’uud oo qirtay inuu 29-kii September 2022 si bareer ah u dilay Taliyihiisii Ururka 59-aad ee Gaadiidka xooga dalka Dhame Cabdi Maxamed Axmed Hurdaaye, sidoo kalena dhaawacay laba qof oo shacab ah.

Cabdinaasir ayaa kal hore Maxkamadda kahor sheegay in sababta uu u dilay Taliyihiisii ay aheyd xaquuq ka maqan uu ka cabanayey, wuxuuna intaas kusii daray inuu isaga  ahaa nin qaban waayay mid kamid ah Shaqooyinkii loo diray oo ahaa in uu qeyb ka noqdo Ciidamo safar dhinaca dhulka ah ugu baxayay Gobolada dalka.

Latest stories