HomeWararDab ka kacay Magaalada Kismaayo iyo Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay

Dab ka kacay Magaalada Kismaayo iyo Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG u ah Maamulka Jubbaland ayaa waxaa xalay ka kacay dab xooggan oo khasaare badan dhaliyay, waxaa dabkaasi ku bur-burtay Hanti aad u badan oo ay lahaayeen dad ganacsato ah.

Dabka oo si gaar ah uga kacay Suuqa weyn ee Magaalada Kismaayo, waxaana uu qabsaday goobo ganacsi, isagoo kusii baahay gudaha suuqa, waxaana la sheegay in goobo shidaal uu gaaray taasi oo keentay in dabku sii labo qarxo, oo uu goobo hor leh ku faafo.

- Advertisement -

Goor dambe ayaa lagu guulaystay in dabkaasi laba damiyo,waxaana ka qaybqaatay laamaha dabdamiska iyo dadka shacabka ah, kuwaasi oo isku kaashaday sidii ay u baqtiin lahayeen dabkaasi ka kacay suuqa weyn ee Magaalada Kismaayo.

RW Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdii Barre ayaa ka hadlay dabkaasi, waxaana uu Alle uga baryay inuu badal khayr qaba ka siiyo ganacsatada ku hanti beeshay dabkaas.

“Waxaan murugada iyo xanuunka la qeybsanayaa dadka shacabka ah ee hantidooda ku wayay musiibada caawa ka dhacday suuqa ugu weyn ee Magaalada Kismaayo, Waxaana Alle uga baryayaa inuu badal khayr qaba ka siiyo hantida ay ku wayeen dabkaas” ayuu yiri RW Xamse Cabdi Barre.

- Advertisement -

Dabkaasi xoogganaa eek a kacay Suuqa weyn, ma jiraan wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dabka.

Latest stories