HomeWararAl-shabaab oo la wareegay degaano ay baneeyeen Ciidanka Dowladda iyo Macwiisleyda

Al-shabaab oo la wareegay degaano ay baneeyeen Ciidanka Dowladda iyo Macwiisleyda

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Al-shabaab ayaa barqanimadii Maanta dib ula wareegay deegaanada Moqokori iyo Yasooman oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle, kadib markii halkaas isaga baxeen Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano macwiisleyda. Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa macwiisleyda ayaa gebi ahaan baneeyay deegaanada laga qabsaday Al-shaabab maalmo kahor ee deegaanada Moqokori iyo […]

- Advertisement -

Al-shabaab ayaa barqanimadii Maanta dib ula wareegay deegaanada Moqokori iyo Yasooman oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle, kadib markii halkaas isaga baxeen Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano macwiisleyda.

Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa macwiisleyda ayaa gebi ahaan baneeyay deegaanada laga qabsaday Al-shaabab maalmo kahor ee deegaanada Moqokori iyo Yasooma, halkaas oo ay ka dhaceen dagaal xoogan oo dhaliyey khasaaro aad u farabadan.

- Advertisement -

Dad la hadlay warbaahinta Dalsan ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidanka dowladda iyo kuwa macawiisleyda ee isaga baxay labada deegaan ay Saldhigteen degmooyinka Maxaas iyo Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan, isla markaana halkaas ay haatan ku sugan yihiin.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in sababta keentay ka bixitaanka Ciidamada deegaanada ka kala wareegay Al-shabaab ay tahay khilaaf soo kala dhex-galay hoggaanada kala duwan ee ciidamadda howlgaladaan wada Gobolka.

Sidoo kale waxaa natiijo la’aan kusoo dhammaaday dadaalo uu hormuud u ahaa Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo uu ku doonayay inuu ciidamadda ugu qanciyo iney deeganadaasi joogaan, wixii tabasha ah ay qabaanna la xalin doono.

- Advertisement -

Gobolka Hiiraan ayaa maalmihii dambe ka socday howlgalo ka dhan ah Al-shabaab, isla markaana Gobolka ay ka dhaceen dagaalo sababay dhimasho iyo dhaawac aad u farabadan oo dhinacyadii dagaalamay soo kala gaaray.

Si kastaba Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay sheegteen inay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaano dhowr ah oo ay maalmo kahor qabsadeen Ciidanka dowladda oo gebi ahaan isaga baxay halkaas.

Latest stories