HomeWararDowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday Dagaal Maalliyadeed Digniin adagna dirtay

Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday Dagaal Maalliyadeed Digniin adagna dirtay

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa ku dhawaaqay dagaal Maalliyadeed oo ka dhan ah, kooxaha lacagaha dhaqa iyo kuwa maalgaliya wax loogu yeero Argagixisada. Xeer Ilaaliye Suleymaan Maxamed ayaa waxaa uu sheegay in Xafiiska xeer Ilaaliyaha Qaranka oo kaashanaya hay’addaha baarista ay la socdaan […]

- Advertisement -

Xeer Ilaaliyaha Guud ee dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa ku dhawaaqay dagaal Maalliyadeed oo ka dhan ah, kooxaha lacagaha dhaqa iyo kuwa maalgaliya wax loogu yeero Argagixisada.

Xeer Ilaaliye Suleymaan Maxamed ayaa waxaa uu sheegay in Xafiiska xeer Ilaaliyaha Qaranka oo kaashanaya hay’addaha baarista ay la socdaan dhaq-dhaqaaqyada maaliyeed ee lagu dhaqayo lacagaha, isla markaana lagu maalgelinayo Argagixisada, waa sida uu yiri.

- Advertisement -

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dabagal ku hayso shaqsiyaad ku eedeysan inay maalgalin u sameeyaan Al-shabaab, isagoo tilmaamay in haddii dambigaas lagu helo laga qaadi doono tallaabooyin adag oo lagu beegsanayo dadkaas.

Xeer Ilaaliyaha ayaa digniin xooggan u diray cid kasta oo isku dayda inay Al-shabaab siiso dhaqaale, isla markaana shaaciyay inay dowladdu ku dhawaaqday dagaal maaliyaddeed, “Sharciga ayaan horkeenaynaa cid kasta oo falalka digniinta lasoo saaray lagu heyo”

Sidoo kale xeer Ilaaliyaha Guud ee dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa digniin u diray dadka garsoorka u raadsanaya Al-shabaab, isagoo hay’adda fulinta faray inay sharciga horkeenaan cid kaste oo lagu tuhunsan yahay inay garsoor u doonatay Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Latest stories