HomeWararCiidanka Dowladda oo saaka Al-shabaab kala wareegay degaano dhowr ah oo Basra...

Ciidanka Dowladda oo saaka Al-shabaab kala wareegay degaano dhowr ah oo Basra ku jirto

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa arroornimadii hore ee saaka oo jimco ah howlgal qorsheysan  kula wareegay deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Ciidamada dowladda ayaa la wareegay gacanta ku heynta deegaanada kala ah Basra, Sapyo, Bahdaad, Beled Al Kariim, Baldooska, Alifoow, Muryaley, Daniga Balow iyo Buula Xansholey, kuwaasi oo dhammaantood ku teedsan Wabiga Shabeelle.

- Advertisement -

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ladlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ay burburiyeen Saldhiggii ugu weynaa Al-shabaab deegaanada ay la wareegeen, islamarkaana aysan jirin wax iska cabin ah oo ay ciidamadu la kulmeen inta howlgalku socday.

Deegaanka Basra oo ah degaan Istiraatiiji ah iskuna xira Gobalada Shabeellaha Hoose iyo Shabaallaha Dhexe, ee maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa deegaanka Basra kulahaa Saldhig wayn.

Si kastaba howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ayaa weli ka socda qeybo kamid ah Gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, waxaana la wareegida deegaanada saaka laga qabsaday Al-shabaab kusoo aadeysa, iyada oo shalay dagaal khasaaro dhaliyey uu ka dhacay Hiiraan.

Latest stories