HomeWararDowladda Mareykanka oo Qiratay in Soomaaliya ay ku dishay dad Rayid ah

Dowladda Mareykanka oo Qiratay in Soomaaliya ay ku dishay dad Rayid ah

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Militariga Mareykanka ayaa dilay 12 qof oo rayid ah sanadka 2021, weerarro dhammandood ka dhacay dalka Afghanistan, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Pentagon-ka oo lasii daayay Talaadadii. “Waaxda Difaaca waxay qiimeysay in ku dhawaad 12 qof oo rayid ah lagu dilay laguna dhaawacay ku dhawaad 5 qof oo rayid ah intii lagu guda jiray […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Militariga Mareykanka ayaa dilay 12 qof oo rayid ah sanadka 2021, weerarro dhammandood ka dhacay dalka Afghanistan, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Pentagon-ka oo lasii daayay Talaadadii.

“Waaxda Difaaca waxay qiimeysay in ku dhawaad 12 qof oo rayid ah lagu dilay laguna dhaawacay ku dhawaad 5 qof oo rayid ah intii lagu guda jiray 2021-ka, taasoo ka dhalatay howlgallada ciidamada Mareykanka,” ayaa lagu yiri warbixinta, oo Koongarasku codsaday in lasii daayo sannad kasta tan iyo 2018, iyada oo qeyb ka mid ah ay aheyd sir.

- Advertisement -

Dhammaan dhimashada dadka rayidka ah ayaa ka dhacay Afghanistaan, sida ay sheegeyso qeybta la faafiifay ee warbixintan.

Pentagon-ka ayaa horey u qirtay mas’uuliyadda dhimashada 10 xubnood oo isku qoys ah, oo ay ku jiraan toddoba carruur ah, intii lagu jiray ka bixitaankii Mareykanka ee Afghanistan oo dhammaaday Ogosto 2021.

Sidoo kale, Milliteriga Maraykanka ayaa qirtay inay 1-dii Janaayo ay ku dhaawaceen saddex qof oo rayid ah duqeyn ay ka geysteen Soomaaliya, gaar ahaan Kuunyo Barrow.

- Advertisement -

Pentagon-ka ayaa sidoo kale dib u qiimeyn uu ku sameeyay tirakoobkeeda dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka ah ee dalka Suuriya laga soo bilaabo 2018 ilaa 2020 ku ogaaday, kuna qirtay 10 kale oo dhimasho ah iyo 18 dhaawac ah.

Hay’adaha aan dowliga aheyn ayaa si joogto ah u daabaca qiimaynno aad u sarreeya oo dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay duqaymaha Maraykanka ee aagagga colaadaha.

Hay’adda Airwars oo diiwaangelisa dadka rayidka ah ee ku waxyeelooba duqeymaha cirka ee adduunka, ayaa warbixinteeda sannadlaha ah ee la daabacay bishii May ku qiyaastay in inta u dhaxaysa 15 ilaa 27 qof oo rayid ah lagu dilay hawlgallada Maraykanku ka fuliyo Suuriya oo keliya.

Bishii Janaayo 2022, Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa ku boorriyay militariga inay sameeyaan isbedel ay uga fogaadaan waxyeellada dadka rayidka kasoo gaarta weerarada cirka, kadib markii dhowr khalad oo dhimasho ah ay waxyeelleeyeen sumcadda millatariga.

“Ilaalinta dadka rayidka ah waa istaraatijiyad iyo damiir lagama maarmaan ah,” ayuu Austin ku xusay qoraal ku socday taliska ciidamada Mareykanka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts