HomeWararCiidanka Dowladda oo Maanta Dagaal la’aan la wareegay deegaanka Moqokori

Ciidanka Dowladda oo Maanta Dagaal la’aan la wareegay deegaanka Moqokori

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa saakay dagaalamayaasha Al-shabaab kala wareegay deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle oo ka mid ah deegaanada ay muddo ku sugnaayeen Shabaabka. Taliyaha ururka 41aad guutada 5aad qeybta 27aad ee ciidanka xoogga dalka, Cabdi Muumin Cilmi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u xaqiijiyay in Al-shabaab […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa saakay dagaalamayaasha Al-shabaab kala wareegay deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle oo ka mid ah deegaanada ay muddo ku sugnaayeen Shabaabka.

Taliyaha ururka 41aad guutada 5aad qeybta 27aad ee ciidanka xoogga dalka, Cabdi Muumin Cilmi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u xaqiijiyay in Al-shabaab isaga baxeen deegaanka kahor inta aysan ciidanka gaarin halkaas.

- Advertisement -

Taliyaha ayaa sido kale sheegay in ciidanka xoogga ay la wareegeen deegaanka Tardo oo ku dhow deegaanka Moqokori isla markaana si buuxda ay gacanta ugu haayaan, ayna halkaas kasii wadaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ee loo yaqaano Macwiileyda ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ay la wareegayeen deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Galmudug, iyagoona dagaalo ka galay Al-shabaab.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts