HomeWararLaamaha Amniga oo Maanta gacanta ku dhigay Nin dhac ka geysan jiray...

Laamaha Amniga oo Maanta gacanta ku dhigay Nin dhac ka geysan jiray Muqdisho

Date:

Related stories

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ayaa gacanta ku dhigay Nin hubeysan oo la sheegay inuu burcad ahaa, kaasi oo dhac ka geysan jiray xaafaddo ka tirsan Muqdisho. Ciidamada Booliska ayaa Ninkaan kasoo qabtay gudaha degmada Yaaqshiid ee Gobolkaan Banaadir, kadib howlgalo ay Ciidanka ka sameeyeen xaafaddaha kala duwan ee degmadaasi. […]

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ayaa gacanta ku dhigay Nin hubeysan oo la sheegay inuu burcad ahaa, kaasi oo dhac ka geysan jiray xaafaddo ka tirsan Muqdisho.

Ciidamada Booliska ayaa Ninkaan kasoo qabtay gudaha degmada Yaaqshiid ee Gobolkaan Banaadir, kadib howlgalo ay Ciidanka ka sameeyeen xaafaddaha kala duwan ee degmadaasi.

- Advertisement -

Ninka ayaa waxaa la tilmaamy inuu burcad ahaa oo dadka dhac u geysan jiray, isla markaana ka qaadan jiray Telefoonada gacanta iyo agabyada kale oo ay xilligaas wataan, waxaana cabasho ka gudbiyey dadka.

Laamaha ammaanka degmada Yaashiid ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Ninka lasoo qabtay la horgeyn doono sharciga, uuna haatan xiran yahay, kaasi oo xilligii lasoo qabanayey watay Bastoolad.

Degmooyinka Gobolka Banaadir qaarkood ayaa waxaa kooxo hubeysan ay dhac ugu geystaan dadka shacabka ah oo ay ka qaatan Moobeelada iyo waxyaabaha kale ee muhiimka u ah, iyadoo dadka qaarkoodna loo dilo sabab Moobeel.

Latest stories