HomeWararMW Xasan oo Madaxa Hay'adda IMF la wadaagay qorshaha DFS ee deyn...

MW Xasan oo Madaxa Hay’adda IMF la wadaagay qorshaha DFS ee deyn Cafinta

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka Marwo Kristalina Georgieva ayaa la wadaagay tallaabooyinka wax ku oolka ah ee laga gaaray xaqiijinta dib u habeynta nidaamka maaliyadeed ee dalka. Madaxweynaha ayaa ku soo bandhigay xarunta Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ee magaalada Washington  qorshaha dowladda  Soomaaliya ee […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka Marwo Kristalina Georgieva ayaa la wadaagay tallaabooyinka wax ku oolka ah ee laga gaaray xaqiijinta dib u habeynta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa ku soo bandhigay xarunta Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ee magaalada Washington  qorshaha dowladda  Soomaaliya ee ku addan dayn cafinta, kobaca dakhliga iyo horumarinta ilaha dhaqaalaha, si dhallinyarada Soomaaliyeed loogu abuuro fursado shaqo, dalkana looga samata bixiyo saboolnimada iyo duruufaha dhaqaale ee soo noqnoqday.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan  Sheekh Maxamuud iyo Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka Marwo Kristalina Georgieva ayaa isla qaatay dardargelinta arrimaha hortebinta u leh dowladda Soomaaliya si loo hirgeliyo qorshaha dhammeystirka hannaanka deyn cafinta ee dalkeenna.

Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka Marwo Kristalina Georgieva ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay in dowladda Soomaaliya ay kala shaqeeyaan qorsheyaasha mudnaanta u leh oo ay ugu horreeyaan horumarinta hannaanka dib u habeynta dhaqaalaha, deyn cafinta iyo doorkooda ku aaddan gurmadka abaaraha ka jira dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey hay’adda IMF taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku adkeeyey in ay sii waddan garab istaaggooda ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed.

Latest stories