HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Qarax khasaaro sababay oo lala eegtay Ciidamo Miino...

Faah faahin kasoo baxeysa Qarax khasaaro sababay oo lala eegtay Ciidamo Miino Baaris

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Qarax khasaaro geystay ayaa goor dhow ka dhacay xaafad ka tirsan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana la qarxiyey gaari nooxa raaxadda ah oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Magaaladaas. Goobjoogayaal ayaa kusoo warramay in qaraxa dhacay oo ahaa miino lagu xiray gaariga saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Hirshabeelle gaar ahaan […]

- Advertisement -

Qarax khasaaro geystay ayaa goor dhow ka dhacay xaafad ka tirsan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana la qarxiyey gaari nooxa raaxadda ah oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Magaaladaas.

Goobjoogayaal ayaa kusoo warramay in qaraxa dhacay oo ahaa miino lagu xiray gaariga saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Hirshabeelle gaar ahaan kuwa Miino baarista ah ee ka shaqeeynayey Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne.

- Advertisement -

Gaariga ayaa mar qura qarxay, xilli uu marayay xaafadda xaawo-taako si gaar ah meel aan sidaas uga fogeyn Laanta Nuur-xawaad ee Magaalada, isla markaana waxaa ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah oo gaaray Askarta saarneyd gaariga.

Ilaa sadax askari oo Ciidamada miino maarista ah ayaa ku dhaawacmay qaraxaas, waxaana askarta loo qaaday dhaawacyadooda Isbitaalka Ciidamada ATMIS ay ku leeyahiin deegaanka Ceeljaalle ee duleedka Magaalada Baladweyne.

Ciidamada Booliska Magaalada ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoona xiray aaga, waxaana ay halkaasi ka bilaabeeyn baaritaano, Jimcihii ayey aheyd markii qaraxyo khasaaro dhaliey ay ka dhaceen duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Latest stories