HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Qarax khasaaro sababay oo lala eegtay Ciidamo Miino...

Faah faahin kasoo baxeysa Qarax khasaaro sababay oo lala eegtay Ciidamo Miino Baaris

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Qarax khasaaro geystay ayaa goor dhow ka dhacay xaafad ka tirsan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana la qarxiyey gaari nooxa raaxadda ah oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Magaaladaas. Goobjoogayaal ayaa kusoo warramay in qaraxa dhacay oo ahaa miino lagu xiray gaariga saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Hirshabeelle gaar ahaan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Qarax khasaaro geystay ayaa goor dhow ka dhacay xaafad ka tirsan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana la qarxiyey gaari nooxa raaxadda ah oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Magaaladaas.

Goobjoogayaal ayaa kusoo warramay in qaraxa dhacay oo ahaa miino lagu xiray gaariga saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Hirshabeelle gaar ahaan kuwa Miino baarista ah ee ka shaqeeynayey Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne.

- Advertisement -

Gaariga ayaa mar qura qarxay, xilli uu marayay xaafadda xaawo-taako si gaar ah meel aan sidaas uga fogeyn Laanta Nuur-xawaad ee Magaalada, isla markaana waxaa ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah oo gaaray Askarta saarneyd gaariga.

Ilaa sadax askari oo Ciidamada miino maarista ah ayaa ku dhaawacmay qaraxaas, waxaana askarta loo qaaday dhaawacyadooda Isbitaalka Ciidamada ATMIS ay ku leeyahiin deegaanka Ceeljaalle ee duleedka Magaalada Baladweyne.

Ciidamada Booliska Magaalada ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoona xiray aaga, waxaana ay halkaasi ka bilaabeeyn baaritaano, Jimcihii ayey aheyd markii qaraxyo khasaaro dhaliey ay ka dhaceen duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts