HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Dil ka dhacay Magaalada Jowhar

Faah faahin kasoo baxeysa Dil ka dhacay Magaalada Jowhar

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Wararka aan ka heleyno Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay gudaha Magaaladaas lagu dilay Nin kamid ahaa dadka deegaanka oo ay toogasho ku dileen rag hubeysan oo Bastoolad watay. Dilka ayaa waxaa fiidnimadii xalay uu si gaar ah uga dhacay Bar koontarool oo ku taalla meel ku dhow […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay gudaha Magaaladaas lagu dilay Nin kamid ahaa dadka deegaanka oo ay toogasho ku dileen rag hubeysan oo Bastoolad watay.

Dilka ayaa waxaa fiidnimadii xalay uu si gaar ah uga dhacay Bar koontarool oo ku taalla meel ku dhow Xarunta Madaxtooyada Maamulka Hirshabeelle ee Magaalada Jowhar, waxaana halkaas ka baxsaday dadkii ka dambeeyay falkaas khaajirinta ahaa.

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Magaalada kuna sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn goobta uu falka ka dhacay ayaa gaaray goobta kana qaaday Meydka Ninka la dilay, isla markaana waxaa Meydka durbadii la geeyay Isbitaalka weyn ee Magaalada.

Lama oga sababta loo dilay Ninka oo la tilmaamay inuu kamid ahaa dadka deegaanka Magaalada Jowhar, hayeeshee falkaas ayaa waxaa uu qeyb ka noqonayaa falal amni darro oo horey uga dhacay Caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee Jowhar.

Xubno ka tirsan Al-shabaab ayaa dilal qorsheysan horey uga heystay Jowhar, sidoo kalena ay ka dhaceen qaraxyo Is-miidaamin ah oo lagu weeraray hoteelo iyo Xarumo kale oo ku yaalla Magaaladaas, waxaana mas’uuliyadooda sheegtay dagaalamayaasha Al-shabaab .

Latest stories