HomeWararMadaxweyne Qoorqoor oo tagay degaan ay Al-shabaab ku burburiyeen Ceelbiyood

Madaxweyne Qoorqoor oo tagay degaan ay Al-shabaab ku burburiyeen Ceelbiyood

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray deegaanka Cada Kibir ee gobolka Galgaduud, deegaankaas oo ay Al-shabaab ka jareen Isgaarsiinta iyo biyaha, kadib markii ay miinooyin ku xereen xarumaha Isgaarsiinta iyo ceel biyood. Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhageestay guddoomiyaha deegaanka iyo odayaasha dhaqanka, waxuuna halkaas kula kulmay ku dhawaad […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray deegaanka Cada Kibir ee gobolka Galgaduud, deegaankaas oo ay Al-shabaab ka jareen Isgaarsiinta iyo biyaha, kadib markii ay miinooyin ku xereen xarumaha Isgaarsiinta iyo ceel biyood.

Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhageestay guddoomiyaha deegaanka iyo odayaasha dhaqanka, waxuuna halkaas kula kulmay ku dhawaad 150 qof oo dadka deegaanka ah, kuwaas oo iskood isku hubeeyay si ay iskaga difaacaan Al-shabaab.

- Advertisement -

Madaxweyaha ayaa sidoo kale sheegay in dadka Soomaaliyeed iyo waxa loogu yeero argagixisadu aysan Soomaaliya kuwada noolaan karin, loona diyaar garoobo sidii la isaga kicin lahaa, looguna tagi lahaa deegaanada kooban ee ay ka joogaan Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ugu danbayn ku boggaadiyey shacabka iyo culimada deegaanka Cada Kibir sida ay ugu diyaar garoobeen inay Al-shabaab uga difaacdaan deegaankooda iyo deegaanada hoostaga, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xusay Galmudug ay had iyo goor garab taagantahay shacabka u hiillan inay iska dulqaadaan Al-shabaab.

Latest stories