HomeWararRa’iisul Wasaare Xamse Barre oo kulan la qaatay ku-xigeenka Wakiilka Q/Midoobay

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo kulan la qaatay ku-xigeenka Wakiilka Q/Midoobay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa saaka dib ugu laabtay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, kadib markii uu shalay safar ku tegay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa u kuur-galay xaaladda abaareed ee ka jirta Hiiraan, isla markaana waxaa uu kulamo lasoo qaatay Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa saaka dib ugu laabtay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, kadib markii uu shalay safar ku tegay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa u kuur-galay xaaladda abaareed ee ka jirta Hiiraan, isla markaana waxaa uu kulamo lasoo qaatay Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa oo uu kala hadlay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee socda.

- Advertisement -

Sidoo kale wuxuu Ra’iisul Wasaaraha kormeer ku tegay isaga iyo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe xerooyinka barakacayaasha ee ku yaala Magaalada Baladweyne.

Madaxweynaha iyo Raisul Wasaaraha ayaa u kuurgalayay xaaladaha ay ku nool yihiin barakacayaashaan isugu jira kuwa kasoo barakacay abaaraha baahsan ee ka jira deegaanada Hirshabeelle iyo qoysaskii kasoo barakacay deegaanka teedaan.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka markii uu dib u soo laabay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kulan kula qaatay Ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Anita Kiki Gbeho

- Advertisement -

Kulanka Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga hadlay xoojinta wadashaqeynta xukuumadda iyo hay’adaha Qaramada Midoobay gaar ahaanna arrimaha gargaarka iyo taakuleynta dadka abaartu saameysay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts