HomeWararWararkii ugu danbeeyay Dagaal 26 saac xiriir ah oo weli ka socda...

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal 26 saac xiriir ah oo weli ka socda Hotelka Xayaat

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Waxaa weli in ka badan 26 saacadood oo xiriir ah hotelka Xayaat ee Magaalada Muqdisho ku dagaalamaya Ciidanka dowladda Federaalka iyo rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab oo habeen hore weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday hotelka. Ciidanka dowladda ayaa ku guuleysan la’ inay soo afjaraan howlgalka ay ku doonayaan soo gaba-gabeynta weerarka, waxaana gudaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa weli in ka badan 26 saacadood oo xiriir ah hotelka Xayaat ee Magaalada Muqdisho ku dagaalamaya Ciidanka dowladda Federaalka iyo rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab oo habeen hore weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday hotelka.

Ciidanka dowladda ayaa ku guuleysan la’ inay soo afjaraan howlgalka ay ku doonayaan soo gaba-gabeynta weerarka, waxaana gudaha hotelka laga dhex maqlayaa qaraxyo iyo rasaas xoogan.

- Advertisement -

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in badi inta badan dadkii laga soo badbaadiyay weerarka, isla markaana xubno ka tirsan Al-shabaab ay ku jiraa hotelka oo hub kasoo ridayaan, sida ay ku warrameen dad goobta ka agdhow.

In ka badan 20 qof ayaa ku dhimatay weerarka lagu qaaday hotelka Xayaat ee ku yaalla Isgoyska KM-4 ee Magaalada Muqdisho, sodameeyo kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la geeyay Isbitaalada Muqdisho.

Weerarka lagu qaaday Xayaat oo markii hore ku bilowday qaraxyo Is-miidaamin ah ayaa waxaa uu noqonayaa midkii ugu waqtiga dheeraad ee socda, waxaana Al-shabaab ay sheegeen inay ku dileen Askar farabadan oo ka tirsan dowladda.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts