HomeWararKhasaaro ka dhashay Hoobiyeyaal lagu garaacay xaafaddo ka tirsan Muqdisho

Khasaaro ka dhashay Hoobiyeyaal lagu garaacay xaafaddo ka tirsan Muqdisho

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Faah faahino ayaa laga helayaa tirro hoobiyeyaal ah oo xalay ku dhacay xaafaddo ku yaalla agagaarka Iskuul buliisiya ee degmada Xamar-jajab ee Gobolkaan Banaadir, jugta hoobiyeyaasha ayaa laga maqlay xaafaddo ka tirsan Magaalada Muqdisho. Dad la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in illaa shan madfac ay kusoo dhaceen aaga Iskuul buliisiya gaar ahaan guryo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Faah faahino ayaa laga helayaa tirro hoobiyeyaal ah oo xalay ku dhacay xaafaddo ku yaalla agagaarka Iskuul buliisiya ee degmada Xamar-jajab ee Gobolkaan Banaadir, jugta hoobiyeyaasha ayaa laga maqlay xaafaddo ka tirsan Magaalada Muqdisho.

Dad la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in illaa shan madfac ay kusoo dhaceen aaga Iskuul buliisiya gaar ahaan guryo ay degan yihiin shacab ah, isla markaana waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray dad shacab ah.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyey Hooyo iyo 4 carrruur ah oo ay dhashay ayaa ku dhintay hoobiyeyaasha, kadib markii uu gurigooda ku dhacay mid ka mid ah hoobiyeyaashaasi ee la soo tuuray, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay aabaha qoyskaas oo loo qaaday Isbitaal.

Sidoo kale dad dhow 6 ruux ayaa ku dhaawacmay hoobiyeyaasha xalay lagu garaacay xaafaddo ku yaalla agagaarka Iskuul buliisiya ee degmada Xamar-jajab ee Gobolkaan Banaadir, laamaha ammaanka dowladda Federaalka ayaan weli ka hadlin falkaan.

Weerarkaan loo adeegsaday hoobiyeyaasha ayaa ku soo aadayo, ayada oo weli uu socdo howlgalka lagu soo afjarayo weerarka tooska ahaa ee ay  Al-Shabaab ku qaaday hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, kaas oo soo billowday fiidkii hore ee xalay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts