HomeWararFaah faahin: Dagaal xoogan oo maalintii labaad ka socda degaan ka tirsan...

Faah faahin: Dagaal xoogan oo maalintii labaad ka socda degaan ka tirsan Galgaduud

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Wararka aan ka heleyno deegaan hoostega Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in maalintii labaad uu halkaas ka socdo dagaal u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed, waxaana dagaalka la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan. Dagaalkaan oo gelinkii dambe ee shalay bilowday ayaa waxaa uu si gaar ah uga socdaa tuulo lagu magacaabo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno deegaan hoostega Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in maalintii labaad uu halkaas ka socdo dagaal u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed, waxaana dagaalka la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalkaan oo gelinkii dambe ee shalay bilowday ayaa waxaa uu si gaar ah uga socdaa tuulo lagu magacaabo Baale oo hoostagta deegaanka dhagax-dheer ee Galgaduud, dagaalkaan ayaa yimid, kadib markii mid kamid ah maleeshiyaadka ay weerar ku qaadeen rag xoolo ku ilaalinayey tuuladaas.

- Advertisement -

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka oo labada dhinac soo kala gaaray, in kastoo aan weli si rasmi ah loo ogeyn inta uu la egyahay khasaaraha, maadaama aaga lagu dagaalamayo aan laga agdhawaan karin oo rasaas ka socoto.

Dagaalka maleeshiyo beeleedka ayaa salka ku haaya arrimo la xiriira dul-daaqsimeed ku yaalla tuulada Baale oo hoostagta deegaanka dhagax-dheer ee Gobolka Galgaduud, mana jirto cid kala dhex-gashay, sidoo kalena Maamulka Galmudug ayaan ka hadlin.

Si kastaba deegaano ka kala tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa muddooyinkii dambe kusoo laab-laabtay dagaal beeleedyo iyo dilal aanooyin qabiil ah, waxaana dhowr jeer lagu guuleystay joojinta dagaal beeleedyada soo noq-noqday.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts