HomeWararSafiirka Kenya ee Soomaaliya oo waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay

Safiirka Kenya ee Soomaaliya oo waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Wasiirka  wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa xafiiskiisa Wasaaradda kaga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka Jamhuuriyadda Kenya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Jeneraal Thomas Chepkuto. Intii lagu guda-jiray kulanka, Wasiirka Arrimaha Dibadda waxa uu soo dhaweeyay Safiirka cusub ee Kenya ee dhawaan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka  wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa xafiiskiisa Wasaaradda kaga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka Jamhuuriyadda Kenya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Jeneraal Thomas Chepkuto.

Intii lagu guda-jiray kulanka, Wasiirka Arrimaha Dibadda waxa uu soo dhaweeyay Safiirka cusub ee Kenya ee dhawaan la soo magacaabay, isagoo u rajeeyay inuu ku guuleysto howsha loo igmaday, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in hore loo dhaqaajiyo iskaashi wadaagga ka dhexeeya labada dal ee deriska, iyadoo laga ambaqaadayo aragtida ballaaran ee ka shaqaynaysa dano wadaagga. Wasiirku waxa uu hambayo u mariyay Safiirka Madaxweynaha la doortay ee Kenya, Mudane William Ruto.

- Advertisement -

Dhankiisa, Danjire Thomas Chepkuto ayaa carabaabay sida uu ugu faraxsanyahay qaabiladda uu u sameeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda, isagoo ku nuux-nuuxsaday sida dalkiisu ugu faanayo xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya, kuna dadaali doono sare u qaadiddiisa si ay ku jirto rabitaanka labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts