HomeCaalamkaFatahaado iyo dabeylo ku dhufty Sudan oo waxyeeleeyay In ka badan 7,000...

Fatahaado iyo dabeylo ku dhufty Sudan oo waxyeeleeyay In ka badan 7,000 oo guri

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Sawirro ay daabacday warbaahinta dowladda Sudan, ayaa muujinaya guryo badan oo dumay, ama ay hoostooda biyo galeen. In ka badan 7,000 oo guri, ayaa roobabka dabeylaha wata ay waxyeello gaarsiiyeen. Waxaa qaar badan oo ka mid ah dadka uu saameeyay ay ka codsadeen maamulka inay si deg deg ah gargaar loola soo gaaro, iyagoo sheegay […]

- Advertisement -

Sawirro ay daabacday warbaahinta dowladda Sudan, ayaa muujinaya guryo badan oo dumay, ama ay hoostooda biyo galeen.

In ka badan 7,000 oo guri, ayaa roobabka dabeylaha wata ay waxyeello gaarsiiyeen.

- Advertisement -

Waxaa qaar badan oo ka mid ah dadka uu saameeyay ay ka codsadeen maamulka inay si deg deg ah gargaar loola soo gaaro, iyagoo sheegay inay bannaanka seexanayaan.

Afhayeen u hadlay Golaha Qaranka ee Difaaca Madaniga ah, General Abdul-Jalil Abdul-Rahman, ayaa u sheegay TV-ga Qaranka in qaar kamid ah dhibanayaasha ay ku qaraqmeen daadadka, halka qaar kalena ay ku dhinteen guryahooda.

Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in in ka badan 136,000 oo qof ay saameeyeen fatahaadaha, tan iyo bishii May, iyadoo xaaladaha waddooyinka oo liita ay adkeynayaan in gargaarka la gaarsiiyo meelaha qaar.

- Advertisement -

Dadka ku dhaqan Bariga Afrika, ayaa waxay sanadkan la kulmeen xaalado cimilo oo aad u daran, laga soo bilaabo abaaro ba’an iyo roob la’aan xili dheer ah iyo fatahaado.

Latest stories