HomeWarar Xasan Sheekh oo booqday Warshadaha soo saara  qalabka Ciidamada Milateriga Uganda

 Xasan Sheekh oo booqday Warshadaha soo saara  qalabka Ciidamada Milateriga Uganda

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hoggaaminayo ee ku sugan dalka Unganda ayaa booqday deegaanka Nakasongola oo ay ku yaallaan Warshadaha Luwero ee soo saara qalabka Ciidamada Milateriga ee Uganda. Madaxweynaha ayaa shacabka iyo dowladda Uganda ku bogaadiyey dadaallada wax ku oolka ah ee ay ku bixinayaan kobcinta wax-soosaarka iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hoggaaminayo ee ku sugan dalka Unganda ayaa booqday deegaanka Nakasongola oo ay ku yaallaan Warshadaha Luwero ee soo saara qalabka Ciidamada Milateriga ee Uganda.

Madaxweynaha ayaa shacabka iyo dowladda Uganda ku bogaadiyey dadaallada wax ku oolka ah ee ay ku bixinayaan kobcinta wax-soosaarka iyo warshadaha dalkooda, taas oo dhiirri gelinaysa dalalka Gobolka iyo hal abuurka Shucuubta Geeska Afrika.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Uganda iyo guud ahaan gobolka ay door firfircoon ku leeyihiin ganacsiga iyo wax-soosaarka Warshadaha dalalkan, waxa uuna ugu baaqay in dowladda Soomaaliya ku garab istaagaan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacasiga iyo kobcinta dhaqaalaha dalkeenna.

Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku wehelinayey booqashadan, waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruse, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha Mudane Jabriil Cabdirashiid, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Xuseen Sheekh Maxamed iyo Danjiraha dalkeenna u fadhiya Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts