HomeCaalamkaMareykanka oo duqeyn Cirka ah ku dilay Hoggaamiyihii Al-Qaacidda

Mareykanka oo duqeyn Cirka ah ku dilay Hoggaamiyihii Al-Qaacidda

Date:

Related stories

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Trump oo si qarsoodi ah uga baxay Turkiga kadib hanjabaad Iran ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad militari oo kale,

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in Mareykanku uu duqeyn dhanka cirka ah ku dilay hoggaamiyihii ururka Al-Qaacidda, Ayman Al-Zawaahiri. Waxa uu sheegay in shakhsiyan isaga uu amar ku bixiyay hawlgalkaasi oo Sabtidii ka dhacay caasimadda dalka Afqaanistaan ee Kaabuul. Madaxweyne Biden wuxuu sheegay in Ayman Al-Zawaahiri uu ahaa ku xigeenka Cusama Bin Laden isla […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in Mareykanku uu duqeyn dhanka cirka ah ku dilay hoggaamiyihii ururka Al-Qaacidda, Ayman Al-Zawaahiri.

Waxa uu sheegay in shakhsiyan isaga uu amar ku bixiyay hawlgalkaasi oo Sabtidii ka dhacay caasimadda dalka Afqaanistaan ee Kaabuul.

- Advertisement -

Madaxweyne Biden wuxuu sheegay in Ayman Al-Zawaahiri uu ahaa ku xigeenka Cusama Bin Laden isla markaana uu aad ugu lug lahaa weerarkii 11-kii Sebteembar 2001 lagu qaaday gudaha dalka Mareykanka, weerarkaa oo ay ku dhinteen ku dhawaad 3,000 oo qof.

Waxa uu sheegay in dilka Al-Zawaahiri uu soo afjarayo xanuunkii hayay qoysaska dadkii waxyeellada ay ka soo gaartay weerarkaasi.

Biden wuxuu sheegay in Al-Zawaahiri caddaaladda la mariyay, sidaa awgeedna uu Meesha ka baxay hoggaamiyahaasi Al-Qaacidda.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray in dalka Afqaanistaan uusan mar dambe noqon doonin meel ay argagixisadu gabbaad ka dhigato.

Latest stories