HomeCaalamkaChina oo hanjabaad hawada u marisay Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka

China oo hanjabaad hawada u marisay Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

China ayaa Isniinta maanta ah sheegtay in militarigeeda “aysan iska fadhin doonin ayaga oo aan tallaabo qaadin” haddii afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ay booqato Taiwan. Digniintii ugu dambeysay ee China ka tmid ayaa waxaa jeediyey afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Zhao Lijian oo shir jaraa’id qabtay. Zhao ayaa sheegay in maadaama Pelosi ay tahay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

China ayaa Isniinta maanta ah sheegtay in militarigeeda “aysan iska fadhin doonin ayaga oo aan tallaabo qaadin” haddii afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ay booqato Taiwan.

Digniintii ugu dambeysay ee China ka tmid ayaa waxaa jeediyey afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Zhao Lijian oo shir jaraa’id qabtay.

- Advertisement -

Zhao ayaa sheegay in maadaama Pelosi ay tahay “mas’uulka saddexaad ee ugu sarreeya dowladda Mareykanka,” islamarkaana booqasho ay ku tagto Taiwan, oo China ay sheegato inay ka tirsan tahay, “ay noqon doonto faro-gelin weyn oo lagu sameeyey arrimaha gudaha China.”

Waxa uu ka digay in taasi ay hoggaamin doonto “cawaaqib iyo xaalad cusub oo darran.”

Pelosi oo ay wehliyaan xubno dhowr ah oo ka tirsan Congress-ka ayaa maanta Singapore ka billowday booqasho ay ku mareyso dalal dhowr ah oo ka tirsan Asia, waxaana jirta suurta-galnimo ah inay booqan karto Taiwan.

- Advertisement -

“China waxay xaqiiqdii qaadi doontaa tallaabooyin adag oo jawaab ah si ay u difaacdo qarannimadeeda iyo madax-banaanieeda dhuleed. Marka ay noqoto waxa ay noqon karaan tallaabooyinkaas, haddii ay ku dhiirrato inay tagto, markaas aan sugno oo aragno,” ayuu yiri Zhao.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts