HomeWararAskar waday Meydka Nin lagu qisaasay  Caabudwaaq oo la weeraray

Askar waday Meydka Nin lagu qisaasay  Caabudwaaq oo la weeraray

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Iyadoo Magaalada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud Maanta lagu qisaasay Axmed Cabdi Aadan (Dhagadheere) oo dhawaan halkaas ku dilay Allaha u Naxariistee Taliye ku xigeenkii Ciidanka NISA ee Galmudug G/le Faarax Cumar Geelle iyo Walaashiis  Xaawo Cumar Geelle, ayaa waxaa mar kale maanta Magaaladaasi ka dhacay weerar khasaaro badan dhaliyay oo salka ku haya Xiisad ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Iyadoo Magaalada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud Maanta lagu qisaasay Axmed Cabdi Aadan (Dhagadheere) oo dhawaan halkaas ku dilay Allaha u Naxariistee Taliye ku xigeenkii Ciidanka NISA ee Galmudug G/le Faarax Cumar Geelle iyo Walaashiis  Xaawo Cumar Geelle, ayaa waxaa mar kale maanta Magaaladaasi ka dhacay weerar khasaaro badan dhaliyay oo salka ku haya Xiisad ka dhalatay dilka Toogashada ah ee lagu fuliyay Gacan ku dhiiglaha.

Wararka ayaa sheegaya in weerar jid gooyo ah lagu sameeyay Ciidanka Dowladda oo siday sida la sheegay Meydka Askariga Saaka lagu Qisaasay Magaalad Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

- Advertisement -

Dabley hubeysan oo ay isku heyb-yihiin Askariga la toogtay ayaa Waddada u galay gaadiidka ay la socden Ciidanka Dowladda, waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Ciidanka NISA.

Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada labo Askari oo ka tirsan Ciidankii Meydka Askariga waday, waxaana dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen tiro intaa ka badan, sida ay tibaaxayaan wararka aynu ka heleyno Magaalada Caabudwaad ee Gobolka Galgaduud.

Togashada lagu fuliyay Askariga ayaa timid kadib markii dhawaan Magaalada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud uu ku dilay Allaha u Naxariistee Taliye ku xigeenkii Ciidanka NISA ee Galmudug G/le Faarax Cumar Geelle iyo Walaashiis  Xaawo Cumar Geelle.

- Advertisement -

Waxaana Howlgallo ay sameeyeen Ciidanka Dowlaadda lagu guulaystay in ay gacanta ku dhigaan gacan ku dhiiglaha,  kaasi oo ugu tambeyntii goob fagaare ah lagu qisaasay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts