HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo Goor dhow u ambabaxay Masar iyo xogta safarkiisa

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Goor dhow u ambabaxay Masar iyo xogta safarkiisa

Date:

Related stories

Mucaaradka iyo Safiirka Turkiga oo ku shiraya hoyga Shariif Sheekh Axmed

Safiirka Turkiga iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo ku shiraya hoyga Sheekh Shariif.

Xog: Maxay tahay xarunta cusub ee ‘Halmeel’ ee maanta Golaha Wasiirradu ansixiyeen?

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey dhismaha xarunta adeegga mideysan ee "Halmeel".

Kuleylkii oo laga nastay: Roobka maanta ka da’ay Muqdisho oo dadku ku diirsadeen.

Dadweynaha oo si weyn u soo dhaweeyay nafiskan ka dib kulaylkii jiray.

Turkiga oo ka dhabeynaya ballantii: Ciidamada Soomaaliya oo helaya garab cusub oo toos ah.

Turkiga oo ballan-qaaday taageero toos ah oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Xog: Sirdoonka qaranka oo fashiliyay shirqool weyn oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

Hay’adda NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal dhabbagal ah ka fulisay Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo qaar ka mid ah dalalka xiriirka soojireenka ah la wadaaga dalka ku maraya socdaal ku saleysan dib u xoojinta iskaashiga diblumaasiyadda iyo xaqiijinta Soomaali heshiis la ah dunida ayaa maanta u amba-baxay Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.

Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi, la yeelan doona wadahadallo ku aaddan sidii loo xoojin lahaa xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale ka wada arrinsan doona iskaashiga dhaqaale iyo diblumaasiyadeed, waxa loogu yeero la dagaallanka argagixisada iyo dib u soo celinta doorka dowladda Masar ee horumarinta waxbarashada dalka.

Booqashadan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Masar ayaa noqday tii 7-aad uu dibedda ku aaday tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May, kadib safaradii Imaaraadka Carabta, Turkiga, Eritrea, Kenya, Jabuuti iyo Tanzania.

Masar ayaa ka mid aheyd dalalkii ugu horreeyey ee casuumadda usoo diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud markii dib loo doortay, iyadoo oo la rumeysan yahay in Qaahira ay guushii Xasan Sheekh u aragtay faa’iido weyn.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories