HomeWararMaamulka degaanka Yeed oo ka hadlay Dagaaladii dhacay iyo khasaaraha ka dhashay

Maamulka degaanka Yeed oo ka hadlay Dagaaladii dhacay iyo khasaaraha ka dhashay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Guddoomiyaha deegaanka Yeed ee Gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdisalaan Duwane Cumar ayaa waxa uu faah-faahin ka bixiyey dagaaladii ka dhacay ka dhacay deegaano dhaca xadka Soomaaliya iyo Itoobiya. Guddoomiye Cabdisalaan Duwane ayaa waxaa uu sheegay in Al-shabaab ay weeraro culus kusoo qaadeen deegaanada Yeed, Aato, iyo Washaaqo oo ku yaalla xuduudka Soomaaliya […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha deegaanka Yeed ee Gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdisalaan Duwane Cumar ayaa waxa uu faah-faahin ka bixiyey dagaaladii ka dhacay ka dhacay deegaano dhaca xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Guddoomiye Cabdisalaan Duwane ayaa waxaa uu sheegay in Al-shabaab ay weeraro culus kusoo qaadeen deegaanada Yeed, Aato, iyo Washaaqo oo ku yaalla xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya, isla markaana ay dhaceen dagaalo khasaaro badan dhaliyey.

- Advertisement -

Wuxuu intaas kusii daray Guddoomiyaha deegaanka Yeed in Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan halkaas ay ka hortegeen weeraro uga yimid dhanka Shabaab, isagoona tilmaamay in Al-shabaabka weerarka soo qaaday ay u gudbeen dhinaca Itoobiya.

Sidoo kale Guddoomiye Cabdisalaan Duwane Cumar ayaa xaqiijiyay in dagaaladii dhacay ay geysteen khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo gaaray dad shacab iyo Askar ka tirsan Ciidanka dowladda, wuxuuna xusay in madaafiic lagu gaaray goobo ay ku sugnaayeen shacab.

“Dagaalka saameyn badan ayuu geystay, Yeed gudaheeda waxaa ku dhintay labo askari oo ciidankeenna ah, dad shacab ah oo dhowr iyo toban ahna waa ay ku dhaawacmeen, dhankoodana khasaaro culus baa gaaray,” ayuu yiri Guddoomiye Duwane.

- Advertisement -

Gaba-gabadii Guddoomiyaha ayaa sheegay in weli dagaalo culus ay deegaano ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida ku dhex-marayaan Al-shabaab iyo Ciidanka Liyuu Boolis, khasaaro badan ayaa ka dhashay dagaalada, DDS iyo Shabaab ayaa guulo ka kala sheegtay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts