HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayey oo gaaray Magaalada Arusha

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayey oo gaaray Magaalada Arusha

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayey oo barqanimadii Maanta ka dhoofay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, ayaa gaaray magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Arusha kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Tansaaniya, waxaana intaas kadib Madaxweynaha loo galbiyey dhinaca Xarunta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayey oo barqanimadii Maanta ka dhoofay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, ayaa gaaray magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Arusha kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Tansaaniya, waxaana intaas kadib Madaxweynaha loo galbiyey dhinaca Xarunta Madaxtooyada dalkaas.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa Magaalada Arusha uga qeyb galaya Shirka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), isla markaana waxaa uu Xasan madaxda dalalkaas uga warbixin doonaa fursadaha dhaqaale ee dalkeenna, gaar ahaan dhanka waxsoosaarka, maalgashiga iyo dadaallada dhiirri-gelinta mudan ee ganacsatada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ahmiyad weyn siinaya kor u qaadidda  dhaqaalaha dalkeenna iyo xoojinta in Soomaaliya ay wax badan ka dheefto iskaashiga dalladdan, taas oo shacabka Soomaaliyeed u saamaxaysa inay ka faa’idaystaan fursadaha dhaqaale ee ay abuuri karto ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Dalladda Bulshada Geeska Afrika (EAC) waxaa ku mideysan 7-dal oo uu ka dhexeeyo hal Baasaboor iyo suuq muhiim u ah Gobolka, kuwaas oo kala ah; Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, Burundi, Kenya, Rwanda, Koonfurta Suudan, Uganda iyo Tansaaniya.

- Advertisement -

Jamhuuiyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sanadkii 2016-kii waxa ay gudbisay codsiga ka mid noqoshada dalladan, si loo xaqiijiyo fududeynta socdaalka dadka Soomaaliyeed, suuq-geynta wax-soosaarkooda iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts