HomeWararPuntland oo billaabaysa Maxkamadeynta Shaksiyaad ku eedaysan ka mid ahaanshaha Al-Shabaab

Puntland oo billaabaysa Maxkamadeynta Shaksiyaad ku eedaysan ka mid ahaanshaha Al-Shabaab

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Maamul Goboleedka Puntland ayaa la filayaa in ay Maxkamad soo taagaan Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab oo sida la sheegay ku xiran xabsiyadooda, kuwaasi oo Ciidanka ammaanka ay horay gacanta ugu soo dhigeen. Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in haatan ay Puntland billaabayso maxkamadaynta shabakad ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo sida wararka qaar […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maamul Goboleedka Puntland ayaa la filayaa in ay Maxkamad soo taagaan Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab oo sida la sheegay ku xiran xabsiyadooda, kuwaasi oo Ciidanka ammaanka ay horay gacanta ugu soo dhigeen.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in haatan ay Puntland billaabayso maxkamadaynta shabakad ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo sida wararka qaar ay sheegayaan ay ka mdi yihiin Xubno sar sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Bari ee Maamul Goboleedka Puntland.

- Advertisement -

Xubnaha la doonayo in la maxkamadeeyo ayaa la sheegay in horay Ciidanka ammaanku ugu soo qabteen howgallo Culus oo laga sameeyay Magaalada Boosaaso iyo magaalooyinka kale ee Puntland.

Waxaana sidoo kale xabsiyada ku jira sida la sheegay dagaalamayaal ku eedaysan in ay qayb ka ahaayeen falal amni darro oo horay uga dhacay Puntland.

A-Shabaab ayaa weeraro iyo dilal qorsheysan waxaa ay ka fuliyaan Magaalooyinka waa weyn ee maamulka Puntland, waxaana dhowr jeer ay weeraro toos ah iyo dilal Qorsheysan ku dileen Xubno ka tirsan Maamulkaasi iyo Nabaddoonno.

- Advertisement -

Waxaana barbar socda Howgallada ballaaran ee ay wadaan Ciidanka ammaanka Maamulkaasi, iyadoo horay ay gacanta ugu soo dhigeen Shabakado la sheegay in ay AL-Shabab ka tisran yihiin, kuwasi oo qaarkood Maxkamad lasoo taagay xukunno kala duwanna lagu riday.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts