HomeWararAxmed Karaash oo Maanta daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee deegaanada Puntland

Axmed Karaash oo Maanta daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee deegaanada Puntland

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta daah-furay Imtixaanka Sanad dugsiyeedka 2021-2022. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Imtixaanka ka daahfuray dugsiga Sare ee Gambool ayaa hambalyo u diray Ardayda saaka u fadhiisatay Imtixaanka oo ka kooban 18550 Arday oo isugu jira Fasalka 4-aad ee dugsiga Sare iyo Fasalka 8-aad […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta daah-furay Imtixaanka Sanad dugsiyeedka 2021-2022.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Imtixaanka ka daahfuray dugsiga Sare ee Gambool ayaa hambalyo u diray Ardayda saaka u fadhiisatay Imtixaanka oo ka kooban 18550 Arday oo isugu jira Fasalka 4-aad ee dugsiga Sare iyo Fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe.

- Advertisement -

Dugsiga sare waxaa sanadkan u fadhiistay Imtixaanka 5940 Arday oo kala ah 3667 Wiil iyo 2273 gabdhood, halka dugsiga dhexe ay u fadhiisteen 12610 arday oo kala ah 5308 gabdhood iyo 7302 Wiil, Imtixaanka ayaa saaka ka furamay 136 goobood iyada oo ay fulinayaan 948 Macalin iyo 189 hawl-wadeen.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa uga mahadceliyay bahda waxbarashada shaqada wanaagsan ee ay hayaan,

‘’Waxaan u mahadcelinayaa  guud ahaan bahda Wasaarada  Waxbarashada Puntland oo runtii marwalba heegan u ah inay horumariyaan  waxbarashada iyo manaahiijta Puntland, Anigoo og in duruufo badan ay jiraan hadana marwalba heegan ugu jira sidii waxbarashadeenu  u sugnaan  lahayd’’.

- Advertisement -

Dhanka kale Kusimaha Madaxweynaha ayaa xusay in dowlad Goboleedka Puntland ay ka go’an tahay horumarinta waxbarashada. Ugu dambayn Madaxweyne ku xigeenka ayaa faray masuuliyiinta gacanta ku haya hawshan inay feejignaan dheeri ah muujiyaan mudada Imtixaanku socdo.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts