HomeWararDiiwaan-gelinta Musharaxiinta xilka Madaxweynaha oo Maanta lasoo gaba-gabeynayo

Diiwaan-gelinta Musharaxiinta xilka Madaxweynaha oo Maanta lasoo gaba-gabeynayo

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Guddiga isku dhafka ah labada aqal ee doorashada Madaxweynaha ayaa Maanta oo talaado ah soo gaba-gabeynaya diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartameysa  doorashada xilka Madaxweynaha 10-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya. Guddiga doorashada oo Axadii bilaabay diiwaan-gelinta Musharaxiinta ayaa diiwaan-geliyay in ka badan 30 Musharax oo isku soo sharaxday qabashada xilka Madaxweynaha dalka, kuwaasi oo la siiyay shahaadada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddiga isku dhafka ah labada aqal ee doorashada Madaxweynaha ayaa Maanta oo talaado ah soo gaba-gabeynaya diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartameysa  doorashada xilka Madaxweynaha 10-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga doorashada oo Axadii bilaabay diiwaan-gelinta Musharaxiinta ayaa diiwaan-geliyay in ka badan 30 Musharax oo isku soo sharaxday qabashada xilka Madaxweynaha dalka, kuwaasi oo la siiyay shahaadada Musharaxinmo ee xilka Madaxweynaha.

- Advertisement -

Guddiga ayaa sidoo kale Maanta diiwaan-gelinaya Musharaxiin kale oo dooneysa inay u tartamaan doorashada dhaceysa, waxaana la filayaa inay diiwaan-geliyaan Musharaxiin uu jiro Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ah Musharax Madaxweyne.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, Ra’iisul Wasaareyaal hore iyo siyaasiyiin kale oo farabadan ayey Guddiga doorashada u diiwaan-geliyeen tartanka doorashada Madaxweynaha.

15-ka bishaan May 2022 ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Teendhada Afisyooni ka dhacdo doorashada Madaxweynaha 10-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana socda olole doorasho oo ay wadaan Musharaxiinta Madaxweynaha.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts