HomeWararBeesha Caalamka oo taageertay Go’aankii Guddiga Doorashada Madaxweynaha dalka

Beesha Caalamka oo taageertay Go’aankii Guddiga Doorashada Madaxweynaha dalka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa soo dhaweeyay Go’aankii Guddiga isku dhafka ah ee labada Aqal doorashada Madaxweynaha ay ku shaaciyeen in doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka la qabto 15-ka bishaan May. War-saxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu sheegay in Wakiilada ay dhiira-gelineyso horumarka wanaagsan ee laga gaaray diiwaan-gelinta Musharrixiinta u taagan xilka Madaxweynaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa soo dhaweeyay Go’aankii Guddiga isku dhafka ah ee labada Aqal doorashada Madaxweynaha ay ku shaaciyeen in doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka la qabto 15-ka bishaan May.

War-saxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu sheegay in Wakiilada ay dhiira-gelineyso horumarka wanaagsan ee laga gaaray diiwaan-gelinta Musharrixiinta u taagan xilka Madaxweynaha iyo u diyaargarowga kale ee loogu jiro inaan laga dib dhicin waqtiga kama dambeysta ah ee doorashada.

- Advertisement -

Beesha Caalamka ayaa tilmaamtay in uusan jirin wax marmarsiinyo ah oo sabab u noqon karta dib u dhac kale oo dheeraad ah, iyadoo labada Aqal ee Baarlamaankaba la dhaariyay oo si buuxda u shaqeynayaan.

Wakiilada ayaa sidoo kale ugu baaqay Guddoonka Baarlamaanka Federaalka inay xalliyaan wax kasta oo doorashada ka taagan, si ay u qabsoonto doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan ku boorinaynaa madaxda Soomaaliya inay si degdeg ah, nabdoon oo kalsooni ku dheehan tahay ku soo gabagabeeyaan marxaladdan kama dambeysta ah ee geeddi-socodka doorashada si loogu soo jeesto arrimaha dalka iyo dowlad-dhisidda ee mudnaanta leh” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Beesha Caalamka.

- Advertisement -

War-saxaafadeedka Beesha Caalamka ayaa waxaa si wadajir ah u soo saaray “Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts