HomeWararSidee ayuu u dhacay dilkii loo gaystay "Atooraha Badda?

Sidee ayuu u dhacay dilkii loo gaystay “Atooraha Badda?

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Taliska ciidamada booliska Soomaaliya ayaa sharraxaad ka bixiyay dhacdadii labo maalin ka hor lagu dilay Cismaan Salaad Daahir oo ku magac dheeraa “Atooraha Badda” oo ka xubin ka ahaa booliska. Booliska ayaa xaqiijiyay in falkaas uu gaystay askari kale oo ka tirsan booliska, kaasoo uu dagaal dhex maray ninka la dilay. Tan iyo markii uu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliska ciidamada booliska Soomaaliya ayaa sharraxaad ka bixiyay dhacdadii labo maalin ka hor lagu dilay Cismaan Salaad Daahir oo ku magac dheeraa “Atooraha Badda” oo ka xubin ka ahaa booliska.

Booliska ayaa xaqiijiyay in falkaas uu gaystay askari kale oo ka tirsan booliska, kaasoo uu dagaal dhex maray ninka la dilay.

- Advertisement -

Tan iyo markii uu soo shaac baxay warka ku saabsan dhimashada atooraha badda, waxaa la isla dhex marayay in dilkiisa ay fuliyeen dablay ka tirsan kooxda al-Shabaab.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifataax Aadan Xasan, oo maanta shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay Muqdisho ayaa sheegay “in markii hore shacabka lagu marin habaabiyay sida ay wax u dhaceen.”

Eedeysanaha oo loo yaqaanno Shucayb Leefleefoow, ayay boolisku sheegeen in uu markii hore bixiyay warbixin marin habaabin ah balse uu dib ka sharraxay sida dhabta ah ee ay wax u dhaceen.

- Advertisement -

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya oo sii sharraxayay dhaqaalaha sababay khilaafka ayaa yiri: “Sida ku cad warbixinta uu qoray gacan ku dhiiglaha, lacag $60,000 iyo ka badan ah ayaa dhexdooda taallay, taasoo ay isku qabsadeen. Wuxuu sheegay inuu marxuumku ku yiri, ‘shaqadan anigaa bilaabay oo watay ee iga tag adiga'”.

Waxa uu intaas ku daray in markii hore “uu gacan ka hadalka ka billowday toori kaddibna uu ninka la dilay lasoo baxay bastoolad, taasoo ugu dambayn gacantiisa laga faro maroojiyay laguna dilay”.

Waayadii dambe “Atooraha badda Liido” ayaa ku howlanaa shaqooyin dhinaca samafalka ah oo uu ku caawinayay dad danyar ah oo ku nool magaalada Muqdisho.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts