HomeWararRW Ingiriiska oo taageero u ballan qaaday dadkii ku hanti waayay Dabkii...

RW Ingiriiska oo taageero u ballan qaaday dadkii ku hanti waayay Dabkii Suuqa Hargeysa

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa ka hadlay dabkii xooganaa ee xalay ka kacay Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, kaasi oo dhaliyey khasaaro hantiyadeed oo aad u farabadan oo ay lahaayeen dad Ganacsato ah. Ra’iisul Wasaare Boris Johnson oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay inuu aad uga naxay dhibaatada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa ka hadlay dabkii xooganaa ee xalay ka kacay Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, kaasi oo dhaliyey khasaaro hantiyadeed oo aad u farabadan oo ay lahaayeen dad Ganacsato ah.

Ra’iisul Wasaare Boris Johnson oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay inuu aad uga naxay dhibaatada ka dhalatay Suuqa ugu weyn ee Magaalada Hargeysa ee burburisay gebi ahaan Suuqa oo ay ku yaalleen goobo Ganacsi oo farabadan.

- Advertisement -

“Waxaan aad uga xumahay in aan aragno dhibaatada ka dhalatay dabka Hargeysa ka kacay ee burburka intaa le’eg ka kacay suuqa furan oo ah halbowlaha dhaqaalaha magaalada, kaasoo saameeyay ganacsiyo badan oo yar yar iyo qoys” ayuu yiri Boris Johnson.

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa intaas wuxuu kusii daray inay ku dadaalo doonaan inay taageero siiyaan Somaliland, isla markaana ay kala shaqeyn doonaan dib u dhiska Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ka jawaabaya qoraalkaa Ra’iisal Wasaaraha ayaa u mahadceliyay Boris Johnson uga mahadceliyay taageerada ay ballan qaadeen, isagoona xusay inay socdaan qorshayaal lagu qiimeynayo khasaaraha dabka.

- Advertisement -

“Waxa aan kaaga mahadcelinayaa taageerada Wakhtigan adag aad noo muujisay. Dabka ka kacay Suuqa Hargeysa, waxa uu saameeyey boqolaal ganacsi, waxaana socda qiimaynta lagu samaynayo Masiibadaa, waxa aanu idinla wadaagi doonaa qorshaha dib u dhiska iyo soo kabashada suuqan” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts