HomeWararWeerarkii Xalane oo lasoo af-jaray iyo Booliska Soomaaliya oo war kasoo saaray

Weerarkii Xalane oo lasoo af-jaray iyo Booliska Soomaaliya oo war kasoo saaray

Date:

Related stories

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa war rasmi ah kasoo saaray Weerar maanta lagu qaaday garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana ay faah faahin ka bixyeen weerarka oo ahaa mid khasaaro gaystay. Ciidamada Ammaanka ayaa laba dhallinyara ah oo isku soo dhexqariyay shaqaalaha muruqmaalka ah ee ka xoogsada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ay weerarka soo qaadeen. […]

- Advertisement -

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa war rasmi ah kasoo saaray Weerar maanta lagu qaaday garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana ay faah faahin ka bixyeen weerarka oo ahaa mid khasaaro gaystay.

Ciidamada Ammaanka ayaa laba dhallinyara ah oo isku soo dhexqariyay shaqaalaha muruqmaalka ah ee ka xoogsada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ay weerarka soo qaadeen.

- Advertisement -

Waxaa intaas ay ku dareen Taliska Boolisku in labada dagaalame ay bastoolado ku hubeysnaayeen.

Saraakiisha ayaa sheegay in markii Labada dagaalame ay soo gaareen Koontaroolka Koowaad ee lagu baaro dadka iyo gaadiidka ay bilaabeen in xabado ay ku ridaan ilaaladii ku sugneyd goobta.

Taliyaha Booliska Soomaaliya Gen Cabdi Xasan Xijaar oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in laga hortagay weerarkaasi ay soo abaabuleen Al-Shabaab.

- Advertisement -

“iyagoo shaqaaladaha garoonka isku ekeysiinaya ayee soo weerareen Koontaroolka laga soo gallo garoonka ee Marina Gate, bastoolado ayay ku hubeysnaayeen, waxaa halkaas ku yaalla goobo ganacsi oo u badan dukano dad shacab ah ay leeyihiin” ayuu yiri General Xijaar.

 

 

Latest stories