HomeWararGuddiga Doorashada SEIT Jubbaland oo kulan la yeeshay Saraakiil ka tirsan AMISOM

Guddiga Doorashada SEIT Jubbaland oo kulan la yeeshay Saraakiil ka tirsan AMISOM

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Guddoomiyaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer dowlad Goboleed ee Jubbaland ( SEIT) Dr Siyaad Maxamed Mursal ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Saraakiil ka socotay Booliska AMISOM oo qayb ka ah Ciidamada ilaaliya amaanka goobta doorashada. Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay sii xoojinta sugida amniga goobta lagu qabto doorashada kuraasta ka tirsan Golaha Shacabka […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer dowlad Goboleed ee Jubbaland ( SEIT) Dr Siyaad Maxamed Mursal ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Saraakiil ka socotay Booliska AMISOM oo qayb ka ah Ciidamada ilaaliya amaanka goobta doorashada.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay sii xoojinta sugida amniga goobta lagu qabto doorashada kuraasta ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka ee Magaalada Kismaayo, taasi oo heer gaba-gabo ah mareysa.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka Dr Siyaad Maxamed Mursal ayaa Saraakiisha AMISOM ka dhageystay Warbixino ku aadan xaaladda amniga goobta doorashada lagu qabto, isal markaana waxaa uu Guddoomiyaha ku boggaadiyey Saraakiisha Ciidamada dardar-gelinta howlaha sugida amniga.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu wadaa in todobaadkaan lagu soo gaba-gabeeyo doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, waxaana socda diyaar garowgii ugu dambeeyay ee lagu qabanayo doorashada kuraasta harsan ee Jubbaland.

Maamulada Jubbaland iyo Hirshabeelle ayaa kaliya harsan inay soo dhameeyaan doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, iyada ay soo gaba-gabeeyeen maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Puntland iyo Galmudug.

Latest stories