HomeWararSawirro: Shiinaha oo Maanta Gaadiid iyo Agabyo kale ku wareejiyay Dowladda Somalia

Sawirro: Shiinaha oo Maanta Gaadiid iyo Agabyo kale ku wareejiyay Dowladda Somalia

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Dowladda Shiinaha ayaa Maanta oo jimco ah Agab ka kooban koobnaa gaadiid nooca dagaalka & agab kale oo Milateri ku wareejisay dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib Munaasabad ka dhacday Xarunta Dekedda weyn ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo Madax ka socotay Wasaaradda Gaashandhiga Xukuumadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta […]

- Advertisement -

Dowladda Shiinaha ayaa Maanta oo jimco ah Agab ka kooban koobnaa gaadiid nooca dagaalka & agab kale oo Milateri ku wareejisay dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib Munaasabad ka dhacday Xarunta Dekedda weyn ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo Madax ka socotay Wasaaradda Gaashandhiga Xukuumadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Fei Shengchao kala wareegay gaadiidka iyo agab kale oo Milateri.

- Advertisement -

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Taliye Odawaa ayaa dowladda Shiinaha mahad celiyey gaadiidka Ciidanka ee ay ugu deeqday ciidanka xoogga dalka.

“Dowladda shiinaha waxaa naga dhaxeeya xiriir qoto-dheer, waana kaga mahadcelineynaa garab istaaga ay u sameeyeen ciidanka xoogga” ayuu yiri Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlaayay Munaasabada.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa isna munaasabada ka sheegay in gaadiidkan lagu wareejiyey uu ku soo aaday xili si weyn loogu baahnaa.

- Advertisement -

“Dowladda Shiinaha Gaadiidka dagaal oo ay ugu deeqday ciidanka xoogga dalka, waxaa uu qeyb weyn ka qaadanaya la dagaalanka Al shabaab” ayuu yiri Taliye Odawaa oo tilmaamay in gaadiidkaan lagu wareejiyay uu kusoo aaday, xili loo baahnaa.

Danjiraha Shiinaha u fadhiya Somalia oo ka hadlay munaasabadaas ayaa sheegay in dowladiisu ay sii wadi doonto taageerada ay siiso ciidanka qalabka Sida oo uu ku amaanay sida ay uga soo dhalaaleen waajibaadka loo xilsaaray.

Latest stories