HomeCaalamkaMuhaajiriin farabadan oo lagu la'yahay meel u dhow xeebaha Liibiya

Muhaajiriin farabadan oo lagu la’yahay meel u dhow xeebaha Liibiya

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan socdaalka ee IOM ayaa sheegtay in ugu yaraan 70 muhaajiriin ah lagu la’yahay xeebaha dalka Liibiya, kuwaas oo loo maleynayo inay dhinteen labadii toddobaad ee lasoo dhaafay. IOM ayaa sheegtay in 12-kii Maarso lasoo sheegay in doon ay saarnaayeen 25 muhaajiriin ah ay ku dagtay meel u dhow xeebaha Liibiya […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan socdaalka ee IOM ayaa sheegtay in ugu yaraan 70 muhaajiriin ah lagu la’yahay xeebaha dalka Liibiya, kuwaas oo loo maleynayo inay dhinteen labadii toddobaad ee lasoo dhaafay.

IOM ayaa sheegtay in 12-kii Maarso lasoo sheegay in doon ay saarnaayeen 25 muhaajiriin ah ay ku dagtay meel u dhow xeebaha Liibiya ee Tobruk, iyadoo intaas ku dartay in ciidamadu ay soo badbaadiyay lix tahriibayaal ah, iyo sidoo kale toddobada ruux oo kale oo meydkooda badda laga soo helay, halka 12 kalena la la’yahay.

- Advertisement -

Mashruuca diiwaan gelinta muhaajiriinta la waayay ee IOM ayaa intaas ku daray in dhacdadan ugu dambeysay ay ka dhigeyso tirada guud ee muhaajiriinta la sheegay in ay ku dhinteen ama lagu la’yahay Bartamaha Mediterranean-ka ilaa 215 qof sanadkan.

“Waan ka naxay dhimashada joogtada ah ee ka jirta Bartamaha Mediterranean-ka iyo ficil la’aanta wax ka qabashada masiibadan socota. In ka badan kala bar dhimashada sanadkan ayaa laga diiwaan geliyay meel u dhow xeebaha Liibiya.” ayuu yiri Federico Soda, madaxa IOM ee dalka Liibiya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts